Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa

Qodobka 63aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Xisaab Xidh Sannadeedka Hay’adaha Dawladda iyo Dawladaha Hoose 1) Markuu dhammaado sannad maaliyeedku: b) Sarkaakiisha fulinta hay’adaha dawladdu waxay laba bilood gudahood, iyagoo racaya qaabka uu dejiyo Xisaabiyaha Guud, ku diyaarin doonaan uguna gudbin doonaan Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhawraha Guud ee Qaranka xisaab xidh sannadeed xambaarsan xisaabaadka iyo xogaha ku xusan Faqradda 2aad ee jadwalka laad ce xeerkan. 0) Maamulaha shirkad dawladeed ama sanduug gaar ah ama sarkaalka fulineed ee hay’ad aan ahayn kuwa ku xusan faqradda laad ee sare wuxuu laba bilood gudahood kaddib dhammaadka sannad maaliyadeedka, isagoo raacaya gaabka uu u dejiyo xisaabiyaha guud, ku diyaarin doonaa uguna gudbin doonaa Xisaabiyaha Guud warbixinta xisaab xidhka shirkadda uu masuulka ka yahay, nuqulna siin doonaa wasiirka. j) Warbixin xisaabeedka loo gudbnayo sl’ waafqsan qodobkan: i. Waa in loo diyaariyo si’waafaqsan heerarka habsimo (standards)/halbeegyada xisaabaadka guud ahaan la aqoonsan yahay ee ay dawladuhu isticmaalaan iyo awaamiirta Xisaabiyaha Guud uu hadba soo saaro. u. Haddii aan loo diyaarin si ka duwan heer xisaabaadka guud ahaan la’aqoonsan yahay, waa in la sheego sababaha looga leexday 00 ay kala taliyeen xirfadlayaasha xisaabaadka ee Somaliland oo uu ansixiyo Xisaabiyaha Guud loona adeegsado in lagu maamulo xisaabaadka dawladda, Wwaxana uu sheegi doonaa sababaha isbeddelkaas loo sameeyay. i. Waa in lagu sheego hab xisaabeedka la isticmaalay ee lagu saleeyay diyaarinta warbixin xisaabaadka iyo haddii laga leexdey qaybo muhiim ah 00 hab xisaabeedka lagu salecyey diyaarinta warbixn xisaabeedkana, waa in la tilmaamo qaybaha laga leexdey iyo sababaha looga leexdey. iv. Waa inay tibaaxdo tallaabooyinka ay qaadday iyo waxa ay ka fulisey tallabixintii uu Golaha wakulladu ka bixiyay warbixintii Hantidhawraha Guud. x) Hantidhawraha Guud wuxuu si’waafaqsan Xeerka Hantidhawrka Qaranka baadhis iyo hanti dhawrid ugu samayn doonaa warbxin xisaabeedyada loogu soo gubiyo si’waafaqsan faqradda laad ce qodobkan, isla markaana warbixin hantidhawr ugu gudbin doonaa Golaha Wakiillada si’waafqsan Dastuurka.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-63
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
62Weydii qodobkan64