Qodobka 6aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Ujeeddooyinka iyo Mabaa’diida Siyaasadda Maaliyadda 1) Ujeeddooyinka dawladdu ka leedahay Jaangoynta guud ee dhaqaalaha iyo ujeeddooyinka siyaasadda maaliyadda ee ku xusan qodobka Saad ce sare waa si’loo xaqijjiyo xasiloonida dhaqaalaha guud iyo koboc dhaqaale 00 ku salaysan gorshaha horumarinta Qaranka. 2) Siyaasadda Maaliyaddu waxay saldhig u nogon doontaa diyaarinta, dejinta iyo go’aan ka gaadhidda ama ansixinta milsaaniyad sannadeedka markaas diyaarintiisa lagu gudo jiro. 3) Ujeeddooyinka siyaasadda maaliyadda waxa sal looga dhigayaa mabaadii’dan soo socda: b. Sugidda iyo helista dakhli ku filan maalgelinta mashaariicaha iyo hawlaha dawladda. t. Habsamida iyo hufnaanta maamulka daymaha dawladdu ku maalgeliso mashaariicaha “programmes”. j. Dheellitimaanta iyo wax ku oolnimada maaliyadda muddada dhexe. x. Habdhis maaliyadeed iyo dhaqaale guud 00 ku salaysan ama la jaanqaadaya gorshaha horumarka Qaranka. kh. Habsami u maaraynta khataraha. d. Kharash bixin ku salaysan hufnaan, wax ku oolnimo iyo qiimagalka lacagta (value for money). 1) Iyadoo laga duulayo mabaa’diida sare, wasiirku wuxuu diyaarin doonaa jaangoynta ujeeddooyinka siyaasadda maaliyadeed, kaas 00 saldhig u noqon doona diyaarinta buugga habdhiska miisaaniyadda oo qeexi doona habdhiska siyaasadda iyo dhaqaalaha guud ee muddada dhexe. 5) Buugga habdhiska miisaaniyadda waxa si’waafqsan qgodobka 1Qaad ce xeerkan loogu gudbin doonaa Golaha Wakiillada, si uu uga doodo talana uga bixiyo. 6) Xukuumaddu waa inay kusoo lifaaqdo siyaasadda maaliyadda oo faahfaahsan odoroska miisaaniyadda oo yeclandoona dabeecadda mashruucsharci, siyaasadaas 00 ay soo diyaarin doonto Wasaaraadda Maaliyaddu ka hor intaan la diyaarin odoroska muisaaniyad sannadeedka Qaranka. 7) Xukuumaddu markay ansixiso, waxay si wada jr ah Golaha Wakiillada ugu soo gudbindoontaa siyaasadda maaliyadda iyo odoroska miisaaniyadda oo wada socda, si? uu Goluhuna uga guto waajibaadkiisa dastuuriga ah ce lagu qeexay qodobka 55uc faqraddiisa laad iyo qodobka 53aad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka iyo qodobka 22aad, faqradihiisa laad iyo 2aad ee xeerkan.