Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa

Qodobka 25aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Awoodaha Golaha Wakiillada ee Korjoogtaynta, Dabagalka iyo Laxisaabtanka 1. Si'waafaqsan gqodobbada Dastuurka ee kala ah 38aad, faqraddiisa daad, xaralkeeda (J), 53aad, faqradihiisa 2aad, 3aad iyo 6aad iyo qodobka 55aad, faqradihiisa laad iyo 6aad, Golaha Wakiilladu wuxuu awood dastuuri ah u leehay inuu ku dabagalo kuna korjoogteeyo, isagoo laxisaabtan dhab ah la yeelanaaya dhammaan hay’adaha dawladda, fulinta dhammaan barnaamijyada iyo siyaasadaha waxqabad ee u dejisan iyo isticmaalka maaliyadda loo qoondeeyey ee Goluhu u ansixiyey. 2. Goluhu isagoo gudanaaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee faqraddan sare ce qodobkan ku xusan wuxuu dusha kala soconayaa, kormeerayaa 00 uu hubinayaa hannaanka ay hay’adaha dawladdu u isticmaalayaan miisaaniyadda loo qoondeeyey in ay waafaqsantahay siddii uu Goluhu ku soo ansixiyey iyo in kale. 3. Gudidda dabagalku waxay awood u leedahay inay iyadoo Golaha metalaysa ay ku dabagasho dhammaan hay’adaha Qaranka ee kala duwan mansabkay doonaan ha lahaadaane, hannaanka ay u isticmaaleen ama u kharash gareeyeen miisaaniyadda sannadeedkii dhammaaday, inuu yahay hannaankii sharciga ahaa ee uu Goluhu ugu soo ansixiyey iyo in kale, iyagoo isla markaasna ku samayn kara baadhitaan iyo hubin ay ku xaqiijinayaan arrintaas dhammaan hay’adahaas. 4, Guddiddu markay gudanayso waajibaadkan Gole, tallaabo kasta oo baadhiseed, dabagal iyo la xisaabtan 00 ku saabsan miisaaniyadda 00 ay qaadayso waxay la socodsiinaysaa shirguddoonka Golaha, kaas 00 isna ogeysiin doona Golaweynaha si’waafaqsan xeerhoosaadka Golaha. Waxaana ka mid nogon kara tallaabooyinka ay qaadi karto guddidu: - B) inay daraasad iyo baadhis xeel dheer oo dib u cegiseed ku samayso, warbixin sannadeedka ku saabsan xisaab xidhka iyo warbixinaha hantidhawriseed ee uu Hantidhawraha Guud ce Qaranku ugu soo gudbiyey Golaha Wakiilladi si’waafaqsan qodobka 55aad ce Dastuurka faqradihiisa 6aad, 7aad iyo qodobka 8aad, faqraddiisa |laad ce xeerkan iyo qodobka 35aad ee Xeerka Hantidhawrka Guud ce Qaranka Xeer Lr/76/2016, T) inay Hantidhawraha Guud ee Qaranka iyo Xisaabiyaha Guudba ay u yeedhi karto xilli kasta, si’ay su’aalo uga weydiiso warbixanaha xisaab xidhiseed iyo baadhiseed ce ay warbixin sannadeedka Golaha u soo gudbiyeen xambaarsanyahay ama ay warbixinno faahfaahsan ama dheeraad ah ka suyaan meelaha ay uga baahato guddidu warbixanahooda si'waafaqsan qodobka 38aad ee Xeerka Hantidhawrka Guud ce Qaranka Xeer Lr/76/2016. J) Inay u yeedhi karaan dhammaan madaxda iyo masuuliyiinta kale ee ay khuseeyaan warbixinaha ay xambaarsantahay warbixin sannadeedka xisaab xidhka iyo kormeerka maaliyadeed ee loo soo gudbiyey, si ay wax uga weydiiyaan ama warbixin dheeraad ah uga silyaan meelaha qaarkood warbixintaas si’waafaqsan qgodobka 38 ee Xeerka Hantidhawrka Guud ee Qaranka Xeer Lr/ 76/2016. X) S?waafaqsan qodobka 38aad, faqraddiisa laad ce Xeerka Hantidhawrka Guud Ee Qaranka Xeer Lr. 76/2016, inay dib u eegis ku sameeyso warbixin kasta oo Hantidhawrka Guud ee Qaranku uu Golaha Wakillada u soo gudbiyo, dib u cegistan waxa ku jiri kara su’aal weydinta madaxda xisaabaadka ee hay’adaha dawladda ce ay khusayso, faahfaahinta Hantidhawraha Guud iyo jawaabaha rasmiga ah ce hay’adda ay kuhsayso ama dawladda. Dib u eegistaas kaddib gudiddu waxay talo soojeedin ku salaysan dib u cegistaas u soo jeedinaysaa hay’adaha dawladda, markay muhiim u aragto, iyadoo isla markaasna ku dabo gali doonta hay’adahaas ama Hantidhawrka fulinta soojeedintooda iyagoo raacaaya xeerhoosaadka Golaha Wakiillada. kh) Haddii ay Gudiddu ku qanacdo in warbixinta xisaab-xidhka iyo kormeerku, ama xogaha kale ee ay ku heleen waydiimihii dheeraadka ahaa ee ay waydilyeen masuuliyiinta ay u yeedheen, ay muujinayso inuu dhacay Musuqmaasuq, ama mad-madow xisaabeed oo sababi kara musuq maaliyadeed ama wax- isdabo marin waxay Gudiddu si deg deg ah arintaasi uga diyaarindoontaa Warxbixin ay ku faahfaahinayso arintaasi iyadoo ay la-socoto soo jeedimaha ama talaabooyinka ay u aragto muhiim in la qaado iyadoo isla markaasna u gudbin doonta warbixintaasi iyo soo jeedimaheedaba Golaha Wakiiladda si waafaqsan Qodobka 38aad faqradihiisa 3aad iyo daad ee Xeerka Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka Xeer Lr/76/2016, si uu uga doodo go,aan golena ugu gaadho si Waafaqsan dastuurka Qaranka iyo Xeer Hoosaadkiisa gole. 5. Guddidu waxay dalban kartaa haddii baaluyi tmaaddo khabiirro aqoon dheer u leh habraaca fulinta miisaaniyadda, xisaabta, dabagalka ama baadhista maaliyadeed si ay u kaalmaysato markay gudanayso masuuliyadaheeda shaqo ee faqradaha sare ce qodobkan lagu soo xusay, sidoo kale, guddida waxa si joogto ah u gacansiin doona isla markaana farsamo ahaan caawin doona khuburada Xafiiska Muiisaaniyadda iyo Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada. QAYBTA SHANAAD XAKAMAYNTA IYO MAAREYNTA MAALTYADDA DAWLADDA

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-25
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
24Weydii qodobkan26