Qodobka 19aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Kala wareejinta Qoondaymaha Miisaaniyadda 1. Kala wareejimahaasi waxay noqon karaan: b. Qoondayn musaaniyadeed kharash hawlfulineed/joogto ah laguna warcejiyo qoondayn kharash hawlfulineed kale ama qoondayn kharash mashaariiceed kale 00 isla hay’ad dawladeed ah. t. Qoondayn miisaaniyad mashaariiceed loona wareejiyo qoondayn misaaniyad mashaariiceed kale 00 isla hay’ad dawladeed ah. J- Qoondayn miisaaniyadeed 00 loo qoondeeyey hay’ad dawladeed in loo wareejiyo hay’ad kale oo dawladeed. 2. Hay’adda dawladdadeed ce soo codsata kala wareejin waxaay Wasiirka Maaliyadda us oo gudbin doontaa: b. Faahfaahin dhammaystiran oo muujinaysa lacagaha ama madaxyada laysku warecjinaayo. t. Codsi goraal ah 00 sababaysan oo uu ku saxeexan yahay madaxa hay’adda dawladeed ee ay khusayso. 3. Kaddib marka hay’adda dawladdeed u soo gudbiso xogaha ku xusan faqradda 3aad ce qodobkan, wasirku wuxuu hubinayaa: b. In lacagaha qoondaymaha laga wareejinayaa ay yihiin lacago u muuqda in aan la isticmaali doonin sannad maaliyadeedkaas. t. In lacagta la wareejinayaa aanay ka badnayn 50% wadarta qoondayn miisaaniyadeedka lacagta laga warecjinayo. 4. Waxa reebban in: - b. Qoondayn miisaaniyadeed mashruuc loo wareejiyo hawlfulin/hawl socodsiin t. Qoondayn miisaaniyadeed mushahar loo wareejiyo kharash kale oon kharash mushahaaro ahayn.