Qodobka 69aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Denbiyada Iyo Ciqaabaha 1. Qof kasta oo aan keenin sababo macquula 00 aan xafiiska Hantidhawraha Guud ee qaranka, wasiirka maaliyadda iyo agaasimaha guud u soo gudbin macluulmaadka maliyadeed ce looga baahday. b. Cargaldeeya ama ka hor istaaga hawlgallada xeerku u jideeyay Hantidhawraha Gudaha ama Xisaabiyaha Guud inuu guto waajibadyadiisa ku xusan xeerkan. t. Furata ama sababta in la furo xisaab Bangi oo dawladdu leedahay 00 si rasmi ah loo isticmaali doono tyadoo aan oggolaasnho laga helin Xisaabiyaha Guud ama ku xadgudba wajibaadyada khuseeya Xisaab bangiyeedka ee ku xusan qodobka 39aad (4) ee xeerkan. j. Ah sarkaal fulineed aan haysan sababo la xaqiijiyay oo waajibaadyada iyo shuruudaha uu xcerkani dhigayo fulin waaya masuuliyadaha xeerkani saarayo; waxa uu galay denbi, waxaanu mutaysan doonaa ganaax lacageed 00 u dhexeysa 5 milyan ilaa 6 milyan oo shilinka Somaliland ah iyo/ama xadhig hal sanno ilaa laba sanadood ah. 2. Qof kasta oo magaca dawladda ku qaata amaah ama wax kebeddela ama amaah dawladeed oo hore loo silyay b. Magaca dawladda ku bixiya dammaanad. t. Diida ama ka gaabiya fulinta waajibka saarnaa inuu lacag dawladdeed ku shubo ama dhiteeyo Bangi. j- Gala kharash dawladeed 00 aanu u oggolaanshiyo u haysan ama gala waajibaad kharash aanu fasax u haysan (un authorized commitment). x. Ka gaabiya diyaarinta iyo haynta diiwaannada iyo buugta sharcigu waajibiyay inuu diyaariyo ama waxyeclecya ama baabi’iya ama lumiya diiwaanno ama buugta khusaysa maaliyadda iyo hantida dawladda. Kh. Ka been abuura ama geliya xogo uu og yahay in ay been yihin diiwaannada ama buugta xisaaabaadka dawladda. d. Ku bixiya kharaashaadka dawladda ujeeddo ama hawl ka duwan tii loo qoondeeyey r. Isagoon fasax haysan baahiya ama si sharci darro ah cid u siiya xogaha khuseeya maaliyadda iyo hantida, Waxa uu galay dambi, waxaanu mutaysan doonaa ganaax lacageed u dhaxeeya 15 ilaa 30 milyan oo Shiling ama xadhig ciqaabeed u dhaxeceya 8 ilaa 5 sannadood ama labadaba. a. Dhammaan xogaha ku jira nidaamka maaraynta xogaha maaliyadda ha noqdaan sawir, muuqaal, qoraal ama qayb ka mid ah xogta oo muujinaysa awoodaha oggolaanshaha iyo sii daynta kharash, gelid balanqaad, wareejin lacageed ama ansixin IWM., waxa loo adeegsan karaa maxkamadda horteeda caddayn ahaan, waxaanay leedahay sugnaansho lid ku ah cidda awooda lahayd.