Article 68
Qodobka 68aad
Original Somali text, quoted word for word
Ka Tanaasulka Sheegashada Iwm Qiime Tirista Lacagta iyo Alaabta Bakhaarada Dawladda. 1. Wasiirku waxa uu haddii garaar ka soo baxay Golaha Wakiiladda 00 u ogolaado sidaas, isaga 00 raacaya illaa iyo xadka lagu cayimay qaraar kaasi, ka tanaasuli karaa ama xawili karaa wax sheegasho ah isaga 00 dawladda ka wakiil ah ama wax adeeg ah oo dawladda loo qabtay, waxaanu qlimatiris ku samayn karaa khasaaraha ama hoos u dhaca ku timid lacag dawladeed iyo khayraad dawladdu leedahay. 2. Qaraarka lagu xusay faqrada laad ee qgodobkan, waxa lagu cayimi karaa qaddarka ugu badan ce loo oggolaaday qumatiris kasta ama ka dayn kasta iyo isu gaynta guud ee loo oggolaaday in ay noqoto mid la ray ama laga tanaasulay sanad maaliyadeed. 3. Wasiurku waxa uu qoraal uu isaga uu saxeexay, u igman karaa sarkaal kasta awood kasta haddii wasiirka loo oggolaaday in uu adeegsado qaraar ka soo baxay Golaha Wakiillada 00 ku xusan qodobkan. 4. Dhammaan xisaabaadka uu ansixiyo wasiirku ee qodobkan hoos timaadaa waxa lagu dari doonaa xeerka qoondada ee kaabista ah 00 la keeni doono Golaha Wakiillada, si Loo sharciyeeyo qaddarka qoondadaas. 5. Haddu mar u dhaco khasaare, tanaasul, cafis ama khasaare guud yimaaddo ama dib u celin, ama dheeraad laga tanaasulay ama dib loo celiyay qaddarkaasi uu oggolaaday qaraar kaas ee lagu xusay isla qodobkan faqraddiisa laad.