Qodobka 66aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Xisaabaadka Wakaaladaha Dawladda 1) Iyadoo aan loo eegayn wax kasta 00 ku lid ah xeer dhaqangalay, wakaalad dawladeed waa inay muddo afar bilood, dhammaadka sannad maaliyeedkeedka, diyaarisaa una gudbisaa wasiirka xisaab hanti dhawrsan oo la xidhiidha hawlqabadkeeda sannad maaliyadeed. 2) Xisaabaad sannadeedka ku xusan faqradda (Laad), waa in loo diyaariyaa si waafagsan nidaamyada caalamiga ah ee uu oggol yahay xisaabaadka dawliga ah waa in la horgeeya Golaha Wakiillada, wasiirka muddo aan ka badnayn hal bil kaddib marka uu wasiirku helo, marka laga reebo, haddii Golaha Wakuilladu aanay lahayn kalfadhi, markaas 00 warbixintaasi la horgaynayo Golaha wakiillada maalinta ugu horreysa ee kalfadhiga ku xiga.