Qodobka 64aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Xisaab Xidh Sannadeedka Guud ee Dawladda 1. Xisaabiyaha Guud wuxuu muddo saddex bilood gudahooda kaddib dhammaadka sannad miisaaniyadeed kasta, isagoo raacaya qaabka uu dejiyo Golaha xeer-dejinta halbeegyada xisaabaadku, ku diyaarin doona uguna gudbin doona Hantidhawraha Guud iyo wasiirka: b) Xisaab xidhka guud ee qaranka oo ka kooban xisaab xidhka hay’adaha dawladda (dawladda dhexe) iyo xisaab xidhka dawaladaha hoose oo xambaarsan xisaabaha iyo xogaha xusan faqradda “laad” ee Jadwalka laad ee xeerkan. t) Warbixnta xisaab xidhka shirkadaha dawladda iyo sanduuqyada gaarka ah ee loo soo gudbiyay sida ku xusan Faqradda 2aad ee qodobka 63aad ee xeerkan. J) xisaab xidh sannadeedka kaydka dakhliga xaaladha degdegta. x) Xisaab xidhka kharash miisaaniyadeedka qarsoodiga ah. 2. Xisaabiyaha Guud wuxuu warbixin xisaabeedka uu soo gudbinayo ee ku xusan faqradda laad ee qodobka ku muujin doonaa wax kasta oo nusqaan gaabis ah ama asbaab kale oo uu ku arko xisaab xidhkaasi ee ugu muuqda ama uu aamino in ay saameyn mugle ku leedahay gudashada masuuliyadda wasiirka ee xeerkani dhigayo. 3. Xisaabiyaha Guud wuxuu warbixinta uu gudbinayo ku tibaaxi doonaa wax kabeddalo uu usoo jeedinayo in lagu sameeyo nidaamyada iyo kala soocidda xisaabaadka, sumaddaha xisaabaadka isaga 00 soo raacinaya sababaynta soo jeedintsaas iyo sida wax kabeddelka uu soo jeedinayaa wax tar ugu yeelan doono hagaajinta xisaabta iyo isla xisaabtanka.