Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa

Qodobka 62aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Awooda Amaah ama Dayn Qaadasho ee Golayaasha Dawladaha Hoose 1) Golayaasha dawladaha hoose wax awood ah u malaha qaadasho amaah ama dayn dibadeed. Hasayeeshee, waxay awood u leeyihiin in ay sl’ waafaqsan iyo ujeeddada uu oggolyahay qodobka 94aad ce wax kabeddelka Xeerka Ismaamulka Gobollada & Degmooyinka ay u dayn u qaataan gudaha kaddib marka uu Wasiirka Arrimaha Guduhu oggolaado ce uu wasiirkuna ansaxiyo oggolaanshaha Wasurka Arrimaha Gudaha. 2) Lacagta daynta ce uu si’wafagsan faqradda laad ee qodobkan loo qaato, waxa lagu shubi doonaa kaydka dakhliga golaha deegaanka ay khuseyso, loona isticmaali doonaa ujeeddadii loogu talaggalay. QAYBTA SAGAALAAD DIYAARINTA, BAADHISTA IYO HUBINTA WARBIXINAHA XISAABAADKA

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-62
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
61Weydii qodobkan63