Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025In force

Article 61

Qodobka 61aad

Original Somali text, quoted word for word

Warbixinta Amaahaha, Deeqaha iyo Dammaanadaha 1. Wasurku wakhtga uu u_ jeedinayo Golaha Wakiillada (Mashruuca sharci) ee maaliyadda (miisaaniyadda), wuxuu ka horaysiinayaa in loo jeediyo macluumaadka la xidhiidha isku gaynta daynta dawladda Somaliland ce sannad maaliyadeedkaas, taas oo muujinaysa waxyaabo badan oo ay ka mid yihin: b. Isu gaynta raasamaalka iyo ilaha amaahaha iyo daynta. t. Xaddiga ku ururay oo ah qaab faa’iido 00 waafaqsan shareecada ee amaah kasta iyo dayn kasta. J- Waxa loogu talaggalay bixinta ama dib u bixinta dayn kasta iyo amaah kasta. x. Isticmaalka iyo waxqabadka amaah kasta iyo dayn kasta 00 la soo qaatay iyo ilaa xadka la gaadhay hadafyadkii bartiimaameedka ahaa ce dayn kasta ama amaah. 2. Wasiirku wakhtiga uu u jeedinayo Golaha Wakiillada xcerka sharci ee maaliyadda wuxuu ka horraysiin doonaa macluumaad la xidhiidha qaddarka guud ee deeqaha la siiyay Somaliland iyo ilahooda, taas oo muujinaysa isticmaalkooda iyo waxqabadka deeq kasta 00 ay ku jirto illaa iyo xadka la gaadhay hadafyadii bartilmaameedka ahaa ce deeq kasta; 3. Wasiirku wakhtga uu u jeedinayo mashruuc sharci Golaha Wakiillada, wuxuu ku dari doonaa macluumaad la xidhiidha dhammaan dammaanadaha (Masuuliyad qaadista) amaahda, daynta 1yo deeqaha wasaaradaha, waaxaha, wakaaladaha, dawladaha hoose yo gobollada ama_hay’adaha dawladda.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-61

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
60Ask about this article62