Article 59
Qodobka 59aad
Original Somali text, quoted word for word
Kaydka Dakhliga Guud Ayaa Laga Bixinayaa Lacagaha Bixinta Deynta Ama Kharashaadka Dammaanadda Iyadoon loo baahanaynin in wax qoondayn ah loo sameeyo, waxa si toos ah kaydka dakhliga guud looga bixinayaa lacag kasta oo ay tahay in ay dawladdu bixiso ee ka mid ah: 1. Dib u bixinta raasamaalka amaahda ama bixinta faa’iidada shareecada waalaqsan ee ka dhalata amaalhda. 2. Faa’iido shareecada waafaqsan ah ama khidmadaha kale ec la saaro sendooyinka khasnadda dawladda, dammaanad lacageedyada (bonds) ama saamiyada loo bixiyo si’waafaqsan qodobka 54aad iyo shuruudaha uu wasiirku soo saaro si’waafaqsan xeerkan. 3. Bixinta dammaanadaha ku xusan qodobka 57aad ce xeerkan.