Article 57
Qodobka 57aad
Original Somali text, quoted word for word
Bixinta Kharashka ku Baxa Dammaanadaha Daynta 1. Kharashaadka ay dawladdu ku gasho bixinta dammaandaha ku xusan qodobka 53aad ee xeerkan waxa lagu yeelanayaa 00 si’waafaqsan qaabka uu amro wasiirkuna ugu celin doonaa dawladda, gollaha deegaanka, wakaaladda ama shirkadda dawldeed hay’adda kale ee ka faa’iidaysatay ama heshay lacagta daynka la dammaanad qaaday. 2. Lacagta loogu celinaayo dawladdu sida ku xusan faqradda laad ee qodobkani waxay ka koobnaan doontaa: b) Dhammaan lacagaha ay dawladdu ku bixisay bixinta dammaanadda. t) Kharashka ay dawladdu gasho ee ka dhasha dammaanaddaas j.) Faa’tido shareecada waafaqsan ama khidmadda la saaro rasamaalka daynta ee ay dawladdu bixisay. 3.Dhammaan lacagaha looga celiyo dawladda s!’waafaqsan qodobkan, waxa lagu shubi doonaa keydka dakhliga guud.