Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa
Qodobka 55aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Kharashka Ku Baxa Qaadashada Amaahda Dhammaan kharashka iyo lacagaha kale ce ku baxda qaadashada iyo maaraynta amaah lacageedyada loo qaato si’waafaqsan xeerkan, waxa lagu dallici ama laga bixin doonaa keydka dakhliga guud ama raasamaalka lacagta la amaahday.