Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025In force

Article 51

Qodobka 51aad

Original Somali text, quoted word for word

Awooda Qaadashada Amaahda Iyo Bixinta Damaanadda Deymaha 1) Si waafaqsan xeerkan, wasiirka oo kaliya ayaa awood u leh in uu magaca dawladda lacag ku amaahdo gudaha ama dibadda dalka, dayn ku bixiyo ama dayn ku damiinto. Waxana reebban in iyadoon la haysan oggolaanshaha wasiirka ay, hay’ad dawladeed ama gole deegaan dawlad hoose ama wakaalad ama cid kale magaca dawladda amaah ku qaadato ama dayn ku bixiso ama dayn ku dammiinato ama ku galo heshiis ama hawl kale oo ay si toos ah ama dadban uga dhalan karto masuuliyad maaliyadeed loo raaco dawladda. 2) Tyadoon waxba loo dhimayn faqradda laad ee qodobkan, dawladaha hoose waxay qaadan karaan deyn, balse waxaa mar kasta waajib ah in deyntaasi uu oggalaado Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu. 3) Dawladda Hoose ce codsanaysa in loo ogolaado deyn in ay qaadato, waxaa ku waajib ah in ay Wasirka Maaliyaddu usoo gudbiso faahfaahinta deyntaasi iyo danta ugu jirta degmadooda iyo qarankaba. 4) Wasiirka Maaliyaddu haddii uu ku qanco soo jeedinta Golaha Deegaanka wuu ogolaan karaa dayntaasi haddii ay degmadda iyo Qarankaba sidaas dani ugu jirto, xaddiga dayntuna waa inuu yahay mid macquul ah oo aan ku keenayn culays dhaqaale dawladda. 5) Faqradaha daad illaa 6aad ee qodobkan waxa lagu nasakhay qodobka 94aad, xarfihiisa B iyo J ee Xeerka Ismaamulka Gobolladda & Degmooyinka Xeer Lr. 23/2019. 6) Sidoo kale qodobka 94", xarafkiisa (D) ee Xeer Lr 23/2019 waxaa loo beddalay siday faqradan hoose ee Yaad ee qodobkani ay sheegayso. balse dhammaan xarfaha kale ee aan ahayn A, C iyo D ee qodobka 94“ ee Xeer Lr 23/2019 sidoodii hore ayey ahaanayaan, waana lagu dhaqmayaa. 7) Haddii ay timaaddo duruufo degdeg ah, sida aafooyinka dabiiciga ah ama arrimo nabadgelyo oo keensanaya culays dhaqaale ama u baahan dhaqaale deddeg ah oo aan isla markaasna ku jinn muisaaniyadda sannadkaas ce golaha deegaankaas, guddida fulinta ee degmadu waxay awood u leedahay in ay dayn qaadato ay ku daboosho baahidaas, balse waxaa waajib ah mar kasta ka hor inta’ aan go’aanka daynta laga ansixin golaha degmadaas, waa inay oggolaansho ka helyaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda si waafaqsan faqradaha sare ce Saad iyo 6aad ee qodobkan. — -29 - ey ae, 8) Waxa waajib ah in dhammaan daymaha lagu sheegay qodobkan ugu dambaynta uu Wasiirka Maaliyaddu u gudbiyo Golaha Wakiillada si uu u ansixlyo si waafaqsan qodobka J5Jjaad faqraddiisa 3aad ce Dastuurka iyo qodobka 53aad faqraddiisa laad ee xeerakan. 9) Lama oggola in ay dawladaha hoose galaan dayn aan loo marin qaadashadeeda si waalaqsan faqradaha sare ce qododkan.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-51

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
50Ask about this article52