Article 47
Qodobka 47aad
Original Somali text, quoted word for word
Masuuliyadda Fulinta Miisaaniyadda ee Sarkaalka Fulineed 1) Sarkaalka fulined ce miisaaniyadle kasta wuxuu, si waafqasan, qorshe sannadeedka fulinta miulisaaniyad kharasheedka ku xusan qodobaka 46aad ee xeerkan, u fulin doonaa 00 maarayn doonaa muisaaniyadda hay’addiisa; . 2) Sarkaalka fulineed ma gali karo kharash, haddii aanu haysan lacag caddaan ah oo qayb ka ah miisaaniyaddiisa ama aanay jirin qoondayn kharash musaaniyadeed ku filan 00 kharashkaas loo qoondeeyay kuna cad miisaaniyad sannadeedka dhaqangalka ah. 3) Lama bixin karo kharash haddii aan si dhammaystiran aan loogu diiwaangelin nidaamka maaraynta xogaha maaliyadda. 4) Sarkaalka fulineed waxa uu si waafaqsan qaab dejinta (format) uu Xisaabiyaha Guud u dejiyo, saddexdii bilood hal mar Xisaabiyaha Guud u gudbin doonaa warbixinta waxqabadka hawlaha 1yo fulinta miisaaniyadda ce hay’adda uu masuulka ka yahay.