Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025In force

Article 43

Qodobka 43aad

Original Somali text, quoted word for word

Masuuliyadaha Dhaqangalinta Miisaaniyadda Dawladda 1) Wasiirka ayaa masuul ka ah guud ahaan maaraynta iyo fulinta musaaniyadda loo ansaxiyo si waafaqsan xeerkan. Si uu u guto masuuliyaddiisaasi, wasiirku wuxuu karaa inuu xeernidaamiye waafaqsan xeerkan kana hor imanaynin xeerarka kale ee dhaqangalka ah saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda ugu wakiisho ama xilsaaro fulinta qaybo ama dhammaan fulinta masuulyadahiisa guud ee maaraynta iyo dhaqangelinta miisaaniyadda. Hasayeeshee, wakiilashadaasi kama reebayso wasiirka xilka ka saaran gudashada masuuliyadahiisa maaryanta iyo dhaqangalinta muisaaniyadda. 2) Saraakiisha fulineed ee hay’adaha dawaladdu waxay si Waafaqsan xeerarka dhaqangalka ah saraakiisha ama hawlwadeenada hay’adaha ay ka masuulka yihim ugu wakiilan karaan gudashada masuuliyadahooda maaraynta iyo fulinta qoondaymaha muisaaniyadda loo qoondeeyay hayadaha ay ka masuulka yihiin. Hasayeeshee, wakiilashadaasi kama dul qaadayso sarkaalka fulinta ama sarkaalka idman masuuliyadda ka saaran fulinta iyo isticmaalka miulsaaniyadda uu masuulka ka yahay.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-43

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
42Ask about this article44