Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025In force

Article 42

Qodobka 42aad

Original Somali text, quoted word for word

Maaraynta Hantida Dawladda 1.Hant kasta (hanti ma’guurto ama guurto ah, hanti la taaban karo ama mid aan la taaban Karin) 00 aanu gof u lahayn sifo sharci ah waxa ay noqonaysaa hanti dawladeed. 2.Hantida soo socota waxa iska leh Qaranka, haddii aanay ahayn hanti dadweyne ama shakhsiyaad gaar ahaaneed. b. Kanaalada iyo biyamereenka aan dabiiciga ahayn. t. Waddooyinka, biriijyada, dariiqyada, jidadka, garoomada dayuuradaha, xerooyinka xoolaha lagu hayo (seerayaasha), qabuuraha iyo suuqyada. J. Farshaxanka taarikhiga ah iyo wixii la xidhiidha asaarta qadimiga ah. x. Goobaha iyo dhismayaasha si’joogta ah loogu tala galay in dadweynuhu ku cibaadaysto. Kh. Khayraadka macdaneed. d. Xeryaha iyo bakhaarrada ciidamada. r. Dhismayaasha kale ee Qaranka. s. Daamamka, Ccelasha, balliyadda iyo biyaqabatineedyada kale. sh. Iyo guud ahaan hantida kale ee guurtada ama ma’guurtada ah ee dawladdu ku hantiday si’waafaqsan xeerarka dalka. 3.Qandaraaska, ilaalinta, dhaqan ka baxa iyo maamulka hantida raagta ce dawladda waxa loo raacayaaa Xeerka Qandaraasyada Qaranka X/LR 82/2018. 4,Diwaangelinta hantida raagta ee ma’guurtada ah, waxa ka masuul ah Wasaaradda Hawlaha Guud, waxaanay la wadaagayaan diwaanka hantida ma’guurtadda ah Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo haynaya diwaanka dhexe ee hantida raagta kuna soo darayaa warbixinaha maaliyadeed. 5.Xisaabiyaha Guud ayaa ka masuul ah diwaangalinta hantida guurtada ah. 6.Hantida aan la taaban karin (intangible asset) waxa diwaangalintooda ka masuul ah Wasaaradda ‘Tignoolajiga, iyada oo diwaankaas la wadaagi doontaa Xisaabiyaha Guud. “6 =(5 Ae cy | QAYBTA TODDOBAAD FULINTA MIISAANIYAD SANNADEEDKA

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-42

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
41Ask about this article43