Qodobka 41aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Maalgashiga Lacagaha Kaydka Guud ee Dakhliga |. Lacagta ku jirta Keydka Dakhliga Guud ee aan loogu baahnayn si degdeg ah, si loogu baxsho kharashka dawladda, waxa lagu maalgelin karaa:- b) Baanka isaga 00 codsanaya, wasiirkuna u ansixlyo. t) Shirkad ay dawladdu leedahay ama qayb ku leedahay oo dalka guhiisa ama dibaddiisa ah, kaddib marka wasiirku oggolaado. j) Maalgelin uu oggolaaday sharci si’ loogu maalgaliyo kaydadka ammaanahayn (maal cahdi) (trust) oo uu wasiirkuna oggolaado. 2. Tyada 00 ay shardi tahay shuruudaha maalgashi ce wasiirku jideeyo maalgelinta qodobkani uu hoos imaanayo, wasiirku waa inuu, awood kharash oo uu saxeexay u gudbiyaa Xisaabiyaha Guud, waxaanu sii dayn karaa lacagta maalgelinta oo laga saaro kaydka dakhliga guud. 3. Maalgelinta laga saarayo kaydka dakhliga guud ee sare ku xusan waa inuu ansixiyo Golaha Wasiirradu, kaddib marka uu helo tallabixinta Wasiirka Maaliyadda.