Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025In force

Article 40

Qodobka 40aad

Original Somali text, quoted word for word

Maarayta Lacagta Naqadka Ah 1. Wasurku waxa uu dejin doonaa nidaamka dawladdu ku maamulayso macaamilkeeda lacageed ee naqadka ah. 2. Wasiirku wuxuu aasaasi donaa guddida maaraynta lacagta naqadka ah (Kaashka) (Cash management Committee); 3. Guddida maaraynta lacagtu (Kaashku) waxay ka koobnaanaysaa: EE 0, b. Xisaabiyaha Guud oo nogon doona Guddoomiyaha guddida. ‘es - : 4 , . . t. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo noqonaya Guddoomiye kuxigeenka guddida. j. Agaasimaha Guud ce Baanka Dhexe iyo xubin kale oo ka tirsan saraakiisha Baanka Dhexe. x. Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda. kh. Agaasimaha Waaxda Dhaqaalaha ec Wasaaradda Maaliyadda. d. Sarkaal ka tirsan Xafiiska Xisaabiyaha Qaranka. 4. Xarunta fadhi iyo shaqo ee guddidu waxa ay noqonaysaa Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, iyada oo Agaasimaha Guud uu diyaarin doono goobta lagu shaqaynaayo. 5. Wasiirku markuu guddida dhisayo, waxa uu qeexi doona hawlaha iyo waajibaadyada shaqo ee guddida.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-40

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
39Ask about this article41