Article 3
Qodobka 3aad
Original Somali text, quoted word for word
Ujeedada Xeerka Ujeeddooyinka Xeerkani waa: 1.In la helo xeer qeexaaya awoodaha iyo doorarka kala duwan ee ay ku leeyihiin miisaaniyadda Qaranka diyaarinteeda, dejinteeda iyo ansixinteeda golayaasha xukuumadda iyo Wakiiladdu. 2.In la helo xeer qeexaaya 00 faahfaahinayana meertada (budget cycle) ay marto diyaarinta muisaaniyaddu bar bilow illaa bar dhammaad. 3. In la aasaaso sanduuga kaydka dhigaalka guud ee Qaranka. 4.In la helo xeer tlmaamaaya qaabdhismeedka guud ce ay yeelanayso mulisaaniyadda Qaranku. ay In lagu aasaaso kaydka dakhliga guud ce dawladda. 6. Inuu dejiyo nidaam cad oo xaqiijin kara hufnaan, daahfurnaan, islaxisaabtan dhammaystiran 00 lagu maamulo dhammaan arrimaha khuseeya maaraynta maaliyadda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland; isagoo qeexaya arrimo ay ka mid yihiin: b. Inuu qeexo awoodaha iyo waajibaadyada shaqo ce saraakiisha u xilsaaran maaraynta maaliyadda dawladda. t. Inuu nidaamiyo qaababka iyo habraacyada maaraynta maaliyadda dawladda, diyaarinta, ansaxinta iyo fulinta miisaaniyadda Qaranka. j- Inuu dejiyo hannaanka kormeerka Hantidhawrka Gudaha iyo habka wada shaqaynta Hantidhawrka Guud ee Qaranka iyo Golaha Wakiillada. x.Inuu habeeyo nidaamka maaraynta xisaabaadka iyo warbixinnada dakhliga iyo kharashka, khayraadka dawladda, daymaha, deeqaha iyo dammaanadaha dawladda. kh. In uu xoojiyo islaxisaabtanka nidaamka dawladda iyo korjoogtaynta Golaha Wakiillada ce arrimaha khuseeya maaraynta maamulka maaliyadda.