Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa

Qodobka 39aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Maareynta Xisaab Bangiga (Bank Account Management) 1) = Wasiirku wuxuu hubinayaa in la hawlgeliyo qasnadda midaysan ee guud (Consolidated Treasury Single Account) oo ay ku jiraan dhammaan xisaabaadka bangiyadda uga furan hay’adaha dawladda. 2) Wasiirku wuxuu soo saarayaa xeernidaamiye qaabdhismeedka iyo hawlgalada qasnadda midaysan ee dawladdu ku shaqayn doonto. 3) Wasiirku qasanadda wuxuu dajin doonaa nidaam muisaaniyadlayaashu u fulin doonaan hawlahooda khuseeya xisaab bangiyeedyada iyo maaraynta lacagaha caddaanka (their banking and cash management activities); 4) Haddii aan oggolaanshiyo qoraal ah laga haysan Xisaabiyaha Guud, ma bannaana in miisaaniyadle ama hay’ad dawladeed oo kale ay furato xisaab bangi (bank account) dalka gudihiisa ama dibaddiisa kaas 00 la dhigo ama lagala baxo lacag dawladeed. 5) Miisaaniyadlahu ah waxa uu u maarayn doonaa xisaab bangiyeedkiisa si’waafqsan qaabka iyo s huruudaha uu Xisaabiyaha Guud u dejiyo. 6) Baanka dawladda Somaliland ayaa noqonaya kayd ha’yadaha laga dhigayo lagana bixinayo lacagaha muisaaniyadda hawfulinta iyo mashaariicda miisaaniyadlayaasha. 7) Xisaabiyaha Guud waxa uu miisaaniyadle u ogolaan karaa inuu xisaab bangi (bank account) ka furto bangi ama hay’ad maaliyadeed gaar loo leeyahay. 8) Xisaabiyaha Guud waxa uu maamuli doonaa (regulate) dhaqdhaqaaqyada xisaab bingiyeedka muisaniyadlaha, waxa aanu awood u Ieeyahay inuu hakiyo ama xidho xisaab bangiyeedkaas, haddii uu u arko inay lagama maarmaan u tahay danta guud, kaddib marka uu kala tashado wasiirka. 9) Marka la xidho xisaab bangi, sarkaalka fulineed ce ay khusaysaa waa inuu muddo 380 casho gudahood ah Xisaabiyaha Guud kula socodsiiyo xidhitaanka xisaab bangiyeedkaas. 10) Baanka Dhexe ce Somaliland ama bangiga ama hay’adda maaliyadeed ce gaar loo leeyahay ee haya xisaab bangi uga furan hay’ad dawladeed waxa ku waajib ah inuu muddo afar iyo toban cisho gudahood ah ku sityo Xisaabiyaha Guud ama Hantidhawraha Guud, hadba kii ka soo codsada, xogaha khuseeya xisaab bangiyeedkaas laga soo codsaday.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-39
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
38Weydii qodobkan40