Qodobka 34aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Hantidhawraha Guud 1. Hantidhawraha Guud wuxuu u xilsaaran yahay in si’waafqsan Xcerka Hantidhawrka Qaranka baadhitano iyo hantidhawris ugu samecyo xisaabaadka, hantida iyo waliba hawlgudashada dhammman wasaaradaha, wakaaladaha, waaxyaha iyo hay’ad ama qof kasta 00 kale 00 magaca dawladda ku qaada ama ku ururiya lacag dawladeed ama hela miisaaniyadda dawladda. 2. Hantidhawraha Guud waxa uu samayn doonaa baadhis maaliyadeed, mid waxqabad iyo baadhista u hoggaansanaanta sharciga. 3. In uu warbixnno hantidhawr u diyaariyo uguna gudbiyo Golaha Wakillada si’ waafaqsan Xeerka Hantidhawrka Qaranka iyo Dastuurka. 4. In uw guto waajibaadyada, awoodaha iyo masuuliyadaha kale ee uu saaro ama siiyo Xeerka Hantidhawrka Qaranku, xeerkan iyo xeerarka kale e dhaqangalka ah. QAYBTA LIXAAD MAARAYNTA LACAGAHA IYO HANTIDA DAWLADDA