Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025In force

Article 32

Qodobka 32aad

Original Somali text, quoted word for word

Hantidhawrka Gudaha 1. Si loo xaqiijiyo nidaamka hufnaanta, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, waxa xcerkan lagu aasaasay, Hantidhawrka Gudaha oo ay yeelan doonaan dhammaan hay’adaha dawladda, kuwaas oo waajibaadkooda u gudan doona si’waafaqsan xeerkan. : * ‘ eC a y 2. Dhammaan hay’ad kasta 00 dawladdeed waxa ay yeclanaysaa xalfiis, qayb, unug ama sarkaal hadba sida ku habboon qaabdhismeedkeeda ama baaxaddeeda hantidhawre gudeed 00 uu magacaabi doono masuulka ugu sarreeya hay’addaas dawladeed. 3. Ujeeddooyinka hantidhawrka guduhu waa; a) Inuu saraakiisha fulineed iyo madaxda hay’adaha dawladda ka caawiyo 00 suyo adeegyo hantidhawr gudeed iyo latalin lagama maarmaan u ah Xaqujinta in nidaamyada iyo hababka maareynta maaliyadda iyo xakamaynta khatarta. b) In qaabdhismeedka hay’adda u dejisan lagu dhaqmo loona hoggaansamo iyo inay nidamyadaas iyo habraacyadaasi yihiin kuwo ku habboon 00 xaquyin kara in: i. Khataraha si habboon loo cayimay, loo xakameeyay, loona maareeyay u. XNogaha muhiimka ah ee maaliyadeed, maareyneed iyo hawgal ce muhiimka ahi yihiin xogo sax ah, dhammaystiran, la isku hallayn karo oo wakhtigeediina la helay. il. Hawlgudashada shaqaaluhu waafaqsan yihiin siyaasaddaha, habraacyadda, hagayaasha xeerarka iyo xeernidaamiyayaasha dhaqangalka ah. iv. Kheyraadka loo isticmaalo si madhxisan, wax ku ool ah, loona ilaaliyo sida ugu habboon, si loo gaadho ujeeddooyinka loogu talaggalay. v. _ Lagu guuleysto barnaamijyada, qorshayaasha iyo ujeeddooyinka hay’adaha dawladda. 4. Hantidhawrayaasha guduhu waxay hawshooda hantidhawrista gudaha u gudanayaan si madaxbannaan, Waxayna xaq u leeyihiin in ay si toos ah u helaan ama arkaan Waraaqaha, diiwaannada, buugta xisaabaadka iyo warbixinnaha maaliyadeed ce hay’addahooda ee ay hadba ugu baahdaan fulinta hawsha Hantidhawrka Gudaha. 5. Hantidhawre gudeed kasta ee ku guda jira gudashada hawlaha hantidhawrka gudaha ce la kulma ama ka shakiya musuqmaasuq iyo wax isdabamarin ciddi gashay, waxa ku waajib ah in uu si dhakhso ah ugu wargeliyo madaxa hay’adda uu ka hawlgalo, isaga oo madaxa hay’addaasi uu kaddib markuu hubiyo warbixinta hantidhawre gudeedku u soo gudbiyey uu tallaabo ka qaadi doono, isaga oo warbixintaa la waadaagi doona Hantidhawraha Guud. 6. Shagada Hantidhawraha Gudaha waxa ka mid ah: b) — Inuu si joogta ah baadhis ugu sameeyo warbixinna uga soo saaro hay’adda nidaamkeeda maamul maaliyadeed iyo nidaamka ay maamul ahaan u shaqayso hay’addu. t) Inuu qiimeeyo ilaa xadka la raacay habraacyada maamulka maaliyadda ee ay dejinayaan xeerkan, xcernidaamiyaha ka farcamay iyo xecrarka kale ce dhaqangalka ah. J) Inuu qiimeeyo heerka hubsiimada iyo isla xisaabtanka ce hay’addu inuu yahay mid ku habboon 00 la jaanqaadaya nidaamka maaraynta maaliyadeed ee dalka. J) = Waxa uu xaqiijin doonaa jiritaanka iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin hantida ay maamusho hay’ad dawladeed, waxaanu hubin doonaa in xaaladda ay ku sugan yihiin yahay mid xafidan oo Ieh ilaalin ku habboon. a) Wuxuu hubin doonaa fulinta talabixinta Hantidhawraha Guud u soo Jeediyo hay’addiisa. b) Waxa uu dib u eegis ku samayn doonaa heshiisyada hay’addu kula jirto ganacsatada kala duduwan, waxaanu hubin doonaa inay si hufan u fulaan iyo inay ku salaysan yihiin qiimagalka lacagta (best value for money). c) Waxa uu baadhi doonaa isticmaalka muisaaniyadda hay’adda waxaanu ka diyaarin doonaa warbixin wixii khaladaad ah ee uu ku arko. d) Waxa uu gaban doonaa shaqooyinka kale ee uu hadba u diro masuulka hay’adda ugu sarreeyaa, isaga oo hantidhawre gudeed kastaa siin doono warbixino madaxa hay’addiisa.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-32

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
31Ask about this article33