Article 30
Qodobka 30aad
Original Somali text, quoted word for word
Awoodaha Iyo Waajibaadka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka 1. Awoodaha iyo Waajibaadka Xafiiska Xisaabiyaha Guud waxay noqgon doontaa sidan soo socota: b) Diyaarinta iyo isku dubaridka xisaab xidhka iyO maaraynta xisaabaadka dawladda. t) Xisaabiyaha Guud ee Qaranku waa masuulka ugu sarrecya ee khasnadda dawladda. J) Guddoomidda dhammaan lacagaha dawladda ee lagu dhiteynayo ama shubayo qasanadda keydka dakhliga guud iyo ilaalinta haynta lacagtaas. X) Ilaalinta, kaydinta, kormeeridda iyo qiimaynta diiwaannada hantida dawladda ce ah hanti guurto ah iyo hantida ma’guurto ah intaba. kh) Xaqiijinta in la dejiyo lana dabbaqo nidaamyo ku habboon ilaalinta (safe keeping) dhammaan lacagaha dawladda, shatiyada (stamps), dammaanadaha (securities) iyo qoraallada qiimaha leh ce dawaladda. d) Haynta dhammaan shahaadadaha (mulkiyadda) lahaanshiiyaha maalgashi ee dawladda (govement certificates and of titles for investment) iyo diiwaanka maalgashiga dawladda, _ shatiyada, dammaanadaha iyo dhukumantiyada qiimaha leh ee dawladdu isuicmaasho. r) Inuu saraakiisha fulinta siiyo awaamiir, tilmaamo iyo habraacyo guud kuwaas 00 Waalaqsan xeerkan iyo xeerarka kale ee la’xidhiidha maamulka iyo maaraynta maaliyadda isaga 00 kala tashanaya wasiirka iyo Madaxweynaha. s) Magacabayaa xisaabiyayaasha gobollada. sh) Dejin doonaa halbeegyada xisaabinta iyo qaababka diyaarinta xisaab xidhka ce ay ku dhaqmayaan hay’adaha dawladda dhexe, dawladaha hoose iyo shirkadaha dawladdu leedahay ama qayb ku leedahay isaga 00 raacaya nidaamka caalamiga ah ce diyaarinta Xisaab xidhada ce loo soo gaabiyo (IPSAS) “International Public Sector Accounting Standards)” iyada 00 haddii loo baahdana la diyaarin karo xogaha warbixinaha xisaab xidhka la xidhiidha ee ku xusan jadwalka ku lifaaqan xeerkan. dh) Xaqiijin doonaa in hay’adaha dawladda, dawladaha hoose, shirkadaha dawladda iyo hay’ad kasta 00 dawladeed 00 xeerkani ku waajibinayo gudbinta xisaab xidh sannadeed, iyo warbixin saddex bilood ahi ay u soo gudbiyeen sidii uu u dejiyay Xisaabiyaha Guud ee ku xusan xarafka sare ce rs c) Joojiyo fulinta ama bixinta dalabka lacag bixin kasta (Voucher) 00 baal marsan, qaldan ama aan sax ahayn, ama aan waafaqsanayn nidaamka_ xeerkan, xeernidaamiyayaasha, awaamiirta ama wareegtooyinka ka farcamay xeerkan iyo xeerarka kale ce khuseeya maamulka iyo maareynta maaliyadda dawladda. g) Dejiyaa habka kala soocidda xisaabaadka, summadaha xisaabaadka (chart of accounts) ee ay dabbaqi doona hay’adaha dawladda, dawladaha hoose, mashaariicaha, keydadka gaarka ah iyo shirkadaha dawladda. {) Xaqiijiyaa in ay jiraan ama dejisan yihiin nidaamyo la isku hallayn karo oo ku habboon xafidaadda qoraallada iyo diiwaannada lacagta, hantida iyo dammaanadaha dawladda. q) Ka hortagayaa lunsi, khiyaamayn ama ku tagrifal lacag ama hanti dawladeed, waxaanu samayn doonaa tallaabo kasta oo uu u arko lagama maarmaan, sida uu si kedis ah baadhitaano iyo kormeero ugu samecyo dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda. k) Magacaabayaa xisaabiyayaal idman, isaga oo hay’ad kasta oo dawladeed, dawladaha hoose, shirkadaha dawladda, mashaariicaha iyo keydadka gaarka ah, ku meelaynayaa una xil saarayaa sarkaal ka tirsan Xafiiska Xisaabiyaha Guud, si uu u fuliyo waajibaadka Xisaabiyaha Guud u xil saaran yahay. L) Hirgalin doonaa nidaamka casriga ah ee maamulka xogaha maaliyadda, kaas 00 loo adeegsan doono bixinta kharashka, bixinta mushaaharooyinka, diiwaangelinta hantida dawladda, diiwaangelinta daymaha, warbixinaha maaliyadeed, gandaraasyada iyo iibka alaabta iyo adeegga. 2. Xisaabiyaha Guud isagoo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo ee xeerkani silyey, waxa uu wasiirka warbixin ka siin doonaa cillad kasta, habacsanaan ama arrin kale 00 uu u arko in ay saamayn mug leh ku yeelatay ama ku yeelan karayso gudashada masuuliyadaha wasiirka ee maareynta lacagta iyo hantida dawladda. 3. Xisaabiyaha Guud waxa uu masuul ka yahay lacagaha kabka ah ee dawladda dhexe u qabato dawladaha _ ars ae rl 4, Waa in si toos ah kabka dawladaha hoose Wasaaradda Maaliyaddu ugu wareejiso dawladaha hoose iyadoo dhammaystiran, isla markaana Xisaabiyaha Guud hubiyaa in si toos ah loogu wareejiyay dakhligaas (direct transfer) 5. Xisaabiyaha Guud wuxuu yeelanayaa Kuxigeen Xisaabiyaha Guud, kaas 00 xisaabiyaha ka caawin doona socodsiinta hawlqabadka xafiiska, Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud waxa magacaabaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, si’waafaqsan xcerkan.