Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025Wuu shaqeeyaa

Qodobka 2aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Erey Bixinta Xeerka Haddii aanu nuxurku weedha ay ku jiraan macne kale siinin, ereyada iyo weedhaha soo socda macnawhoodu wuxuu noognayaa sida ku hor qoran:- 1) Xisaabiyaha Guud: Waxa loola jeedaa qofka loogu magacaabay inuu noqdo Xisaabiyaha Guud si’ waafagsan qodobka 28aad ce xeerkan. 2) Guddida Hantidhawrka: Waxa loola jeedaa guddida hantidhawrka gudaha ee loo aasaaso siwaalaqsan qodobka 32aad ee xeerkan. 3) Sarkaalka/saraakiisha fulineed: Waxa loola jeedaa saraakiisha hay’adaha dawladda ee ka masuulka ah maamulka arrimaha maaliyadda ee ay ka midka yihiin kuwan soo socdaa: b) Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha. t) Xoghayayaasha labada gole ee sharci dejinta (Wakiillada iyo Guurtida). J) Agaasimayaasha guud ee kommishannada iyo hay’adaha gaarka ah ce dawladda dhexe ce Ich agaasimayaal guud. x) Agaasimaha Guud ee xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Kh) Kaaliyaha Sare ee Maxakamadda Sare. d. Sarkaalka madaxa ka ah hay’ad dawladeed, marka hay’addaasi dawladeed aanay lahayn Agaasime Guud. r. Mareeyayaasha shirkadaha dawladda. s. Xoghayayaasha golayaasha dawladaha hoose iyo degmooyinka. 4) Xeerka Miisaaniyadda: Waxa loola jecdaa xeer kasta 00 dhaqangal ah oo dhigaya qoondayn muisaaniyadeedka dakhliga iyo kharashka dawladda ee loo qoondeeyay hal sannad miisaaniyadeed. 5) Hantidhawraha Guud: Waxa loola jeedaa qolka loogu magacaabay Hantidhawre Guud si’ waafaqsan qodobada 93(8) iyo 11daad (1) ee Dastuurka iyo Xeerka Hantidhawrka Guud. 6) Miisaaniyad: Waxa loola jeedaa hannaanka ay dawladdu u dejiso odoraska dakhliga soo galaya iyo qoondayn maaliyadeed 00 wax ku oolnimo ah, looguna kala qoondeeyay dhammaan waaxyaha kala duwan ce dawladda, si looga midho dhaliyo ujeeddooyinka Qaranka. 7) Madaxa/madaxda: Waxa loola jeedaa qofka ah wasiir ama madaxa ugu sarreeya maamulka ama hoggaaminta hay’ad dawladeed. 8) Ballangaad/ballanqaadka”: Waxa loola jeedaa qandaraas ama heshiis ama nidaam kale 00 xambaarsan waajib sharci ah oo ku waajibinaya ama jidaynaya in lacag kharash ah laga bixiyo qasnadda ama keydka dakhliga guud. 9) Qoondayn Kharasheed: Waxa loola jecdaa ku talaggal kharash lagu ansaxiyay laguna qoondeeyay xeer musaaniyadeed ama xeer kab miisaaniyadecd. 10) Sannad Maaliyadeed: Waxa loola jeedaa muddo laba iyo toban bilood ah oo ka bilaabanta Ida Janawari JJanaury) kuna eg 81ka Diisambar (Desember). 11) Kaydka Dakhliga Guud: Waxa loola jeedaa qasnadda kaydka dakhli guud ee Jamhuuriyadda Somaliland ce lagu uu aasaasay qodobka 34aad ce xeerkan. 12) Dawlad: Waxa loola jeedaa dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. 13) Dastuur/Dastuurka: Waxa loola jeedaa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. 14) Madaxweynaha: Waxa loola jecdaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. 15) Hay’ad Dawladeed: Waxa loola jeedaa wasaarad, waaxyaha qaranka, wakaalad ama hay’adaha gaarka ah ee dawladda ka tirsan. 16) Hantidhawraha Gudaha: Waxa loola jeedaa xubin madaxbannaan oo shaqadiisuna tahay in uu sameeyo baadhitaan sugan oo madaxbannaan iyo adeegyo latalineed 00 kor loogu qaadayo habsami u socodka hawlaha hay’adda, isla markaana loogu talaggalay inay hay’adaha dawladda ka caawiyaan gaadhitaanka ama ka midho dhalinta ujeeddooyinkooda iyada 00 la dejinayo qaabab nidaamsan 00 dhawrsan 00 lagu qumeecyo laguna horumariyo taabbagelidda nidaamyada maaraynta khatarta, xakamaynta iyo habsami u socodka maamulka hawlaha. 17) Illaalinta gudaha (internal control): Waxa loola jeedaa nidaamyo u dejisan hay’ad dawladeed, si loo xaqijjiyo in xogta maaliyadeed iyo xogaha kale ee maaraynta hantida qaranka yihiin xogo laysku hallayn karo oo dhammaystiran iyo xaqiijinta u hoggaansanaanta siyaasadaheeda maaraynta maaliyadda, nidaamsanaanta iyo hufnaanta hawl gudashadeeda, iyo habsamida hannaanka diiwaangelinta iyo ilaalinta hantida iyo khayraadka Qaranka. 18) Qasnadda Midaysan ee Kaliyaata (Treasury Single Account): Waa hab lagu midaynayo xisaabta bangiyada uga furan dawladda, taas oo suurtagelinaysa inay ina siiso muuqaal mid ah, inagana siinaysa lacagta naqadka ah ee dawladda. Iyada oo la isticmaalayo mabda’a midaynta lacagta naqadka ah; qasnadda midaysani waa xisaab bangi ama xisaabo bangi 00 la isku xidhay, taas oo macaamilka dawladda ee bixinta iyo dhigaalkaba lagu samecyo. 19) Nidaamka Maamulka Xogaha Maaliyadda ee Somaliland: (Somaliland Financial Management Information System “SLFMIS”): Waa nidaamka lagu kaydiyo xogta maamulka maaliyadda ec Jamhuuriyadda Somaliland, waana habka rasmi ahaan dawladdu u isticmaasho dhammaan arrimaha kala duwan ee khuseeya maamulka maaliyadda sida in lagu qorsheeyo, lagu diyariyo miisaaniyadda, laguna fuliyo kharash bixinta, mushaharka iyo iibka lagana helo dhammaan warbixinaha maaliyadeed. 20) Qiime galka Lacagta (best value for money): Waxa loola jeedaa in si madhxin leh iyo dhaqaalayn leh 00 hufan oo wax ku ool ah loo isticmaalo khayraadka dawladda, taas 00 suurtagelinaysa in la gaadho hadafkii laga lahaa shayga. 21) Amaah: Waxa loola jeedaa deyn lacageed 00 kasta 00 ay amaah ahaan dawladdu u qaadato. 22) Golayaasha Dawladaha Hoose: Waxa loola jeedaa degmada ama golaha deegaanka ee uu aasaasayo Xeerka Wax Kabeddelka Iyo Kaabista Xeerka Ismaamulka Gobolada Iyo Degmooyinka, (Xeer Lr.23/2019). 23) Wasiir: Waxa loola jeedaa wasiirka masuulka ka ah arrimaha maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. 24) Saxnimadda: Waxa loola jeedaa waajibnimada in kharashka iyo dakhliga dawladda loo maarecyo si’waafaqsan ujeeddooyinka Golaha Wakiilladu u qoondeeyay, gaar ahaanna kuwa lagu sheegay guddida dhaqaalaha. 25) Lacagaha Dawladda: Waxa loola jeedaa b) Dhammaan lacagaha dakhliga dawladda ) Lacagaha ay maamulaan hay’adaha dawladdu ama cid u wakiil ah dawladdu, marka laga reebo lacagaha ay cid gaar ah 00 aan dawladda ahayn leedahay. 26) Sarkaal Dawladeed: Waxa loola jeedaa qofka haya ama matalaya xafiis qaranka u adeega. 27) Wakaalad Dawladeed: Waxa loola jeedaa shirkad ganacsi, wakaalad ama hay’ad dawladeed 00 ka mid ah hay’adaha dawladda ee lagu dabbaqayo qodobka 66aad ce xeerkan, sidoo kale wakaalad dawladeed waa hay’ad kasta oo dawladeed oo aan ahayn miisaaniyadle, kuwaas 00 ay ku jirayaan: b) Hay’ad kasta oo ah ganacsi ama dabeecado ganacsi Ieh 00 ku aasaasan xeer aan ahayn xeerka shirkadaha ama golayaasha deegaannada. t) Shirkad ku aasaasan xeerka shirkadaha taas 00 ay leedahay dawladdu )) Shirkad ganaci 00 ay dawladdu: I. Magacawdo ama go’aamiso cidda ka mid noqonaysa guddida agaasinka ee shirkadda. Il. Hoggaaminayso ama gacanta ku hayso hoggaaminta in ka badan boqolkiiba konton codadka laga dhiiban karo kulanka guud ee shirkadda. Ill. Maamusho ama leedahay in ka badan bogqolkiiba konton saamiyada raasamaalka shirkadda, marka laga saaro qayb kasta oo ka mid ah saamiyadaa raasamaal ce la soo saaray ce aan lahayn wax xuquuq ah oo ay kaga qayb galaan marka laga reebo qaddarka loo cayimay ce loo qaybin doono macaash ahaan ama raasamaal ahaan. 28) Hantida Dawladda: Waxa loola jeedaa khayraadka ay dawladdu leedahay ama ku jira gacanta ama hantida dawladda. 29) Sharcinimo/da: Waxa loola jeedaa waajibnimida in kharashka iyo dakhliga dawladda loo maarecyo si’waafaqsan xeerarka khuseeya ee ay ka mid ka yihiin xeerkan iyo xeernidaamiyayaasha, awaamiirta, wareegtooyinka iyo habraacyada ka farcamay xcerkan. ane 30) Khayraad: Waxa loola jecdaa 00 ka mid ah: lacagta, bakhaarada, hantida, alaabta, amaalida iyo maalgelinta; 31) Xeerka Kaabis Miisaaniyadeed: Waxa loola jecdaa xcer lagu oggolaaday qoondayno miisaaniyadeed lagu kordhiyay miisaaniyadda qaranka ee uu hore u qoondeeyay Xeerka Miisaaniyadda ce kalka sannad mulsaaniyadeedka lagu guda jiro. 32) Xarun Kharasheed: Waxa loola jecdaa hay’ad, guddi, komishan, wakaalad, xafiis, dawlad hoose ama wasaarad qoondo ku leh miisaaniyadda. 33) Madaxa: - Waxa loola jeedaa madax kharasheed (xisaabecd) ce musaaniyadda ku jira. 34) Madax xigeen: Waxaa loola jeedaa faracyada hoos yimaadda madaxyada kharasheedka Miisaniyadda. 35) Lacagaha dawladda dhexe u qabato dawladaha hoose: - Waxa loola Jeedaa, lacag kasta oo dawladda dhexe u qabato dawladdaha hoose. 36) Hannaan: - Waxa loola jeedaa jaranjarrada loo maro dhammaystirka shagqo ama nidaam. 37) Dhigaal: - Waxa loola jeedaa dhammaan kaydadka Qaranka. 38) Muddada Dhexe: - Waxaa loola jecdaa sannad misaaniyadeedka diyaarinta miisaaniyaddiisa lagu gudo Jiro tyo labada sanno ee ka dambeeya sannadkaas.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-2
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
1Weydii qodobkan3