Article 29
Qodobka 29aad
Original Somali text, quoted word for word
Magacaabista iyo Xil ka Qaadista Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka iyo Ku Xigeenkiisa 1. Xisaabiyaha Guud ee Qaranka waxa magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, s1'waafaqsan Dastuurka qodobkiisa 90aad. 2. Shuruudaha Magacaabista Xisaabiyaha Guud b) Inuu yahay muwaaddin Somaliland ah da’diisuna ka yarayn 30 sanno kana weynayn 60 sanno. () Xubintu waa in aanay hore ugu dhicin dembi ciqaabeed hore oo xukunkiisu yahay 3 sannadood iyo waxil ka badan, sidoo kale aan lagu eedayn musuqmaasuq iyo lunsi hantiyeed. J) Waa in xubintu yahay gof ku sifoobay akhlaaq wanaag, daacadnimo, hufnaan iyo karti uu u leeyahay gudashada waajibaadyada shaqo. x) In jidh ahaan tyo maskax ahaanba u gudan karo waajibaadkiisa. kh) Waa in aqoontiisa/aqoonteeda waxbarasho ugu yaraan ahaato derajada heerka koowaad (Bachelor Degree) ec jaamacadda oo ah Kulliyadda Maamulka Xisaabaadka iyo Maaliyadda (Accounting & Finance) ama shahaadada caalamiga ah ee loo yaqaan (CERTIFIED PUBLIC ACCOUNTANT- CPA). d) Inuu leeyahay ugu yaraan 10 sanno oo ah khibrad dhinaca xisaabaadka iyo maamulka maaliyadda ah ce dawladda. 3.Xisaabiyaha Guud ee Qaranka waxa xilka ka qaadaya Madaxweynaha 4, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka waxa xilka lagaga qaadi karaa marka ay caddaato arrimaha soo socda: b) Xailgudasho la’aan shaqo. t) Baal marrid xeerarka iyo nidaamka dalka. J) Ku caddaato wax is dabamarin iyo musuq. 6. Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka waxa magacaabaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda kaddib markuu helo talo soo jeedinta Agaasimaha Guud, isagoo wasiirku ka dhex xulanaaya shaqaalaha xirfadlayaasha sare ee wasaaradda ama hay’adaha kale ce maaliyadeed. 7. Shuruudaha magaacabista Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud waxay yihiin: b) In Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud yahay mid ku sifoobay shaqo wanaag, xilkas, isla markaana u gudan kara xilka si’daacad ah, hufan, jidh ahaan iyo maskax ahaana fayow. () Inuu Wasaaradda ka shaqaynaayey ugu yaraan 10-kii sanno ee u dambeeyey isaga/iyada 00 ka soo qabatay xil maamulka waaxaha iyo xaflisyada wasaaraddu ka kooban tahay J) Tnuu haysto ugu yaraan shahaadada koowaad ce cilmiga xisaabadka, maaliyadda ama dhaqaalaha. 8. Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud waxa xilka ka qaadaya wasiirka kaddib markuu helo talo soojeedinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. rah ee ee