Article 27
Qodobka 27aad
Original Somali text, quoted word for word
Hawlaha iyo Masuuliyadaha Agaasimaha Guud ee Maaliyadda 1) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyaddu wuxuu Wasiirka kala talin doonaa arrimaha khuseeya dhaqaalaha, miisaaniyadda iyo maaliyadda, waxaanu wasiirka ugu xilsaaran yahay: b. Isu’duwidda geeddisocodka diyaarinta mabaa’diida masuuliyadaha maaliyadeed (Fiscal responsibility principles) iyo geedisocodka diyaarinta miulsaaniyad sannadeedka ee koobsanaya diyaarinta habdhiska buugga muiisaaniyadda, diyaarinta odoros mulisaaniyadecdka iyo Xeerka Miisaaniyadda. t. Wuxuu kor u qaadi doonaa 00 xaqiijin doonaa daahfurnaanta, habsamaanta iyo wax ku oolnimada, maaraynta kharashka, hantida iyo dayamaha hay’adaha dawladda iyo isku dheellitirka dakhliga iyo _ khashaadka dawladda. Le 0 Ee ; - 18 - / ~ A) », “ J. Diyaarinta iyo dabagalka fulinta halbeegyada nidaamyada maaraynta xogaha maaliyadda, x. Diyaarinta qorshe sannadeedka kharashka (annual cash flow plan) dawladda ee lagu salayn doono lacagaha qasnadda kaydka dakhliga guud ee loo sii daynaayo saraakiisha fulineed. kh. Dabagalka isticmaalka maaliyadda iyo hawlqabadyada khuseeya ce hay’adaha dawladda. d.) | Markuu gudanaayo hawlaha ku xusan qodobkan, Agaasimaha Guud wuxuu awood u leeyahay inuu qoraal kaga dalbado sarkaal fulineed oo kasta inuu siiyo xog ama warbixin uu hadba ugu baahdo gudashada waajibaadkiisa. r) Agaasimaha Guud wuxuu u xilsaaran yahay hubinta fulinta iyo dhaqangelinta qodobbada xeerkan iyo Xeerka Miisaaniyadda.