Qodobka 26aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Masuuliyaddaha iyo Awoodaha Wasiirka 1. Marka laga reebo masuuliyadaha ka saaran diyaarinta iyo dejinta siyaasadaha maaliyadda, dhaqaalaha lyo sannad maaliyadeedka sida ku xusan qaybaha 2aad iyo 8aad ee xeerkan wasiirku wuxuu, si waafagsan xeerkan iyo xeerarka kale ce khuseeya, masuul uga yahay maamulka iyo maaraynta keydka dakhliga guud iyo guud ahaan hoggaaminta, xakamaynta iyo kormeerka dhammaan hawlaha ama arrimaha maaraynta maaliyadda iyo fulinta mulsaaniyadda dawladda. 2. Wuxuu hubinayaa in la aasaaso hay’adda xisaabyahannada Somaliland iyo guddida dejinta halbeegyada xisaabadka, iyada oo qaabdhismeedka, shaqada iyo awoodaha hay’adda xisaabyahannada Somaliland iyo Golahaba uu xeer faahfaahin doono. 3. Wasiirku wuxuu soo saarayaa xeernidaamiyayaal, awaamiir ama wareegtooyin uu hadba u arko lagama marmaan lyo inay ku habboon yihiin fulinta masuuliyadahiisa ka saaran maaraynta maaliyadda 1yo habsami u fulinta yoolka iyo ujeeddooyinka Golaha Wakiillada iyo badbaadada, tashiilidda iyo ka faa’tidaysiga dakhliga iyo hantida dawladda s!'waafaqsan xeerkan ama xeer kale 00 dhaqangal ah. 4, Xaaladaha wasiirku maqanyahay ama xaalad caafimaad uu u gudan kariwaayo waajibaadkiisa ama xilka wasurku bannaanaado waxa xilka iyo waajibaadka gudanaaya wasiir kuxigeenka. 5. Wasurku wuxuu si’waafaqsan Dastuuka, xeerkan iyo xeerarka kale ce ay khusayso dawladda uga xilsaaran yahay soo diyaarinta, gudbinta iyo fulinta siyaasadaha maaliyadda iyo dhaqaalaha guud.