Article 22
Qodobka 22aad
Original Somali text, quoted word for word
Awoodaha Golaha Wakiilada ee Dejinta iyo Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka 1. Sida ku qeexan mab’da ahaan qodobka 55aad ee Dastuurka JSL, Golaha Wakiilladu waa Golaha leh awoodda ugu sarraysa ce go’aan ka gaadhidda iyo ansixinta miulsaaniyadda Qaranka. 2. Si waafaqsan qodobka 55aad, faqraddiisa laad ce Dastuurka, waxay xukuumaddu u gudbinaysaa odoroska miisaaniyadda Golaha Wakiiladda, si wu uga doodo, wax kabeddelna ugu sameeyo haddii ay muhiim ula muuqato, ugu dambayntana uu ugu ansixlyo go’aan gole. 3. Haddii ay timaaddo baahi lagama maarmaan ah oo aan laga baaqsan karayn ama xaalad maangal ah 00 khasbaysa in wax kabeddel lagu sameeyo miisaaniyadda loo qoondeeyey haayadda ama wasaaradda waxa waajib ah inay sidaasi ku wargaliyaan Wasaaradda Maaliyadda, wasaaradduna waxay u gudbin doontaa golaha xukuumadda. 4. Golaha xukuumaddana waxa waajib ku ah inay u soo gudbiso Golaha Wakiillada si ay oggolaansho uga hesho, Goluhuna wuxuu ku oggolaan doonaa go’aan gole, kaddib markuu derso ce uu dood ka yeesho sababaha loo cuskaday wax kabeddelka muisaaniyadda ee Golaha loo soo gudbiyey, si’waafaqsan qodobka 5Jaad, faqraddiisa laad ee Dastuurka. 5. Haddii ay yimaaddaan xaalado khatar ku ah dhaqaalaha dalka ama duruufo adag 00 kale 00 aan laga baaqsanayn in miisaaniyadda ay xukuumaddu wax kabeddel ku samayso, waxa loo raacayaa hannaanka faqradaha daad iyo Saad ee qodobbadani ay dhigayaan. 6. Srwaafaqsan qodobka 55aad, faqraddiisa 3aad ce Dastuurka, haddii ay xukuumaddu u baahato inay gasho kharashaad aan miisaaniyad sannadeedkaas lagu jiro aan ku jirin, waxa waajib ah in ay u soo gudbiso ka hor inta aan kharashkaas la galin Golaha Wakiiladda, si ay oggolaansho uga hesho, Goluhuna wuxuu u raaci doonaa anxsixinta kharashkaas, si’waafaqsan faqradda 5aad ee qodobkan. 7. Siwaafaqsan godobka 55aad, faqraddiisa Qaad ce Dastuurka, haddii ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor bilowga sannad maaliyadeedka cusub, si looga baaqsado inay istaagto shaqada dawladdu waxa si ku meel gaadh ah loogu sii dhaqmi doonaa miisaaniyaddii hore intay ka soo baxayso miisaaniyadda cusubi. ; 15 .< “Ss “shee <} ¥ e999 eS /, A 8. Xaaladda ku tilmaaman faqradda 8aad, waxa muisaaniyadda lagaga dhaqmayaa_ kharashaadka hawlsocodsiinta iyo mushaharaadka 00 Kaliya saddex biloodka (quarterka) ugu horreeya sannad mulsaaniyadeedka. 9. Muiisaaniyadda kabka (Supplementary budget) waxay xukuumaddu u soo gudbin doontaa Golaha Wakiillada, Goluhuna wuxuu u raaci doonaa ansixintiisa, sida ku cad faqradda Saad ce qodobkan. 10. Xukuumadda waxa ka reebban inay gasho kharash aanu oggolaan Golaha Wakiilladu. 11. Xaaladaha kala duwan ce lagu xusay faqradaha sare ee qodobkan iyo qodobka kale ee Zaad faqraddiisa 2aad, xarafkeeda “b” iyo faqradda 3aad ce horseedi kara in muisaaniyadda wax kabeddel lagu sameecyo ama la hakiyo qayb ahaan ama gebi ahaanteedba kaddib markay xukuumaddu kasoo codsato Golaha, waxa Golaha Wakiillada isna ku waajib ah inuu si muglch u derso jiritaanka iyo saamaynta xaaladahaas, isagoo isla markaana mudnaan gaar ah siinaaya, si looga baaqsado inay dawladdu ku guuldarraysato inay ka hor tagto ama wax ka qabato, saamaynaha xaaladahaas khatarta ku nogon kara Qaranka iyo xilgudashada hay’adaha kala duwan ce dawliga ahba.