Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025In force

Article 18

Qodobka 18aad

Original Somali text, quoted word for word

Kaydka Dhigaalka Qaranka 1) Waxa xeerkan lagu aasaasay kaydka dhigaalka Qaranka 00 noqon doonta qoondo xisaabeed oo uu leeyahay Qaranku, sida uu jideeyay qodobka 5daad faqradda Qaad ce Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa ku dhici doona ama lagu kaydinayaa oo noqonaya kaydka dhigaalka Qaranka xisaabahan: b). Ugu badnaan shan boqolkiiba (5%) wadarta guud ee odoroska dakhliga miisaaniyadeedka sannad kasta. T). Deeqaha aan qorshaysnayn kuna jirin miisaaniyadda ee Qaranku helo sannadka dhexdiisa J). Faa’udada ka soo xaroota shirkadda dawladdu leedahay ama qaybta ka tahay ee aan ku jirin muisaaniyadda. 2) Ujeeddada aasaaska kaydka dhigaalka Qaranka: b). In la helo kayd guud oo dhaqaale oo qaranku leeyahay kuna xidhnayn sannad miisaaniyadeed oo si Joogta ah u jiri doona. t) Inlahelo kayd dhaqaale oo laga bixin karo gurmadka iyo xaaladaha degdegga ah ee aan miisaaniyadda ku jirin ama ka baaxad weyn gurmadka ku jira miisaaniyadda. }). In la helo dhaqaale buuran oo mustaqbalka laga maalgelin karo danaha horumarineed ce qaranka u danta ah. x). In la helo kayd dhigaal oo laga sii isticmaali karo horumarinaha hawlaha dawladeed ce sannad miuisaaniyadeedkaas laga dabooli karo. 3) Kaydka dhigaalka Qaranka, lagama bixin karo lacag aanu oggolaan Golaha Wakiilladu. 4) Marka si’waafqsan faqradda 8aad, xaralkeeda “X” ee qodobkan lacag horumarin ah loo baahdo ama ay timaaddo xaalad degdeg ah, waasiirku wuxuu degdeg u diyaarin doonaa isla markaana baahidaas 00 sababaysan una gudbin doonaa Golaha Wakiillada. 5) Xaaladaha degdeg ah ee isticmaalka kaydka dhigaalka Qaranka. b. Haddu Golaha Wakiuladu uu ku jiro fasax, isla markaana dalabka wasaaradda maaliyaddu aanu ka badnayn bogolkiiba konton (509%) lacagta sanad miisaaniyadeedkaas loo qoondeeyay inay ku dhacdo kaydka dhigaalka, waxa isaga oo gole waynaha ka wakiil ah ansixinaya gudidda joogtada ah ee Golaha kaddib markay helaan soojeedinta guddida dhaqaalaha. t. Haddii Golaha Wakilladu uu ku jiro fasax, isla markaasina dalabka wasaaradda maaliyaddu ay ka badantahay bogolkiiba konton (509%) lacagta sanad miisaaniyadeedkaas loo qoondeeyay inay ku —— dhacdo kaydka dhigaalka, waxa waajib ah in Golaha la isugu yeedho kalfadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn, marka gudidda dhaqaaluhu ku qanacdo baahidaasi. 7) Xaaladaha degdeg ah ce isticmaalka kaydka dhigaalka Qaranka. b. In Xukumaddu ku soo darto mashaariic maalgalineed/horumarineed oo ku jirta miisaaniyadda xilliga ansixinta muisaantyadda oo loo raaci doono nidaamka ansixinta miisaaniyadda. t. In lagu keeno kaabis 00 loo raaci doono nidaamka ansixinta kabka iyada 00 la uxgelin doono qodobka 6aad ee xeerkan ee lagu xaddiday qaddarka. J) Mashaariicda/maalgelinta laga dalbanayo kaydka dhigaalka guud waa inay noqdaan kuwo lagu sameeyay daraasad buuxda 00 saamayn mug Ieh ku yeelanaya nolosha iyo dhaqaalaha bulshada, isla markaana aan ka badnayn bogolkiiba konton (50%) wadarta kaydka dhigaalka guud ce Qaranka. 8) Ilaalinta iyo korjoogtaynta kaydka dhigaalka guud ec Qaranka. b. Dhammaan hay’adaha ay ka mid yihiin Xisaabiyaha Guud, Hantidhawraha Guud iyo guddiyada maaliyadda iyo dabagalka hantida Qaranka, waxay ku leeyihiin door korjoogtayn ah. t. Ku xadgudubka kaydka guud ce Qaranka waxa uu noqon doonaa denbi Qaran 00 masuuliyad culusi ka dhalan karto.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-18

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
17Ask about this article19