Article 17
Qodobka 17aad
Original Somali text, quoted word for word
1. Waxa waajib ku ah dawladda inay sannad walba u qoondayso miisaaniyad gaar ah oo qarsoodi ah, si loo tayeeyo saanadda ciidamada qaranka, sarena loogu qaado xaaladda amni ee dalka, si ay ciidamada qaranku u gudan karaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee difaaca iyo sugidda amniga qaranka, kharashkaas oo ay maamul ahaan maamuli doonaan hay’adaha difaaca, amniga iyo Madaxtooyadda Qaranku. 2. Iyadoon waxba loo dhimayn nidaamka daahfurnaanta miisaaniyadda qaranka, qoondada muisaaniyadeed ee loo qoondeeyey difaaca iyo amniga qaranka waxa si guud caddad ahaan loogu muujin doonaa odoroska miisaaniyad sannadeedka, balse faahfaahinteedu waxay nogon doontaa mid qarsoon oo sir ah. Xiliga lagu gudo jiro ansixinta miisaaniyad sannadeedka, Golaha Wakiiladu doodaha ay ka yeelanayaan faahfaahinta miisaaniyadda loo qoondeeyey difaaca iyo amniga qaranka uma furnaan doonaan shacabka iyo warbaahinta toona, si waafaqsan qodobka 45aad, faqraddiisa laad ee Dastuurka iyo xeerhoosaadka Golaha. * yy ee 0 Wasurka Maaliyadda ayaa faahfaahinta miisaaniyadda difaaca iyo amniga qaranka si gaar ah ugu soo gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, isagoo isna qabanqaabin doona kulan xidhan oo ay ka yeeshaan guddida hawlaha Goluhu lafagurka miisaaniyadda difaaca iyo amniga. 1. Sida ku xusan faqradda 3aad ee qodobkan falaqaynta ku saabsan faahfaahinta muisaaniyadda difaaca iyo amniga qaranka ee Golaha wakiiladdu waxay noqon doonaan qaar ka xidhan dadweynaha iyo warbaahintaba si’waafaqsan qodobka 45aad, faqraddiisa laad ee Dastuurka iyo xeerhoosaadka Golaha. 5. Saraakiisha fulinta ce wasaaradda ama hay’adaha loo qoondeeyey kharashaadka difaaca iyo amniga qaranka ayaa si’waafaqsan halbeegyada iyo habraacyada xisaabta ce uu soo saaro Xisaabiyaha Guud u taabbagalin doona nidaamka xakamaynta gudeed oo ku habboon maamulka dhaqdhaqaaqa iyo isucmaalka kharashaadkaa qoondadaas difaaca iyo amniga Qaranka. 6. Wasaaradaha iyo hay’adaha faqradda sare ee qodobkan lagu soo sheegay waxa waajib ku ah inay warbixin kusaabsan isticmaalka kharashaadka lagu soo sheegay faqraddaha sare ee isla qodobkan u gudbiyaan tyagoo saddex biloodle iyo sannadle ah Xisaabiyaha Guud ee Qaranka. 7. Xisaab xidhka kharaashaadka lagu soo sheegay faqradaha hore ee qodobkan, waxa diyaarin doona Xisaabiyaha Guud, isla markaana wuxuu u gudbin doonaa Hantidhawraha Guud ce Qaranka. Hantidhawraha Guudna wuxuu ka gudan doonaa waajibaadkiisa baadhiseed isagoo warbixina ka diyaarin doona, una gudbin doona Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada si’waafaqsan xeerkan, Xeerka Hantidhawrka Qaranka iyo Dastuurka. 8. Xisaab xidhka iyo warbixinta Hantidhawrka ee kharashaadkan ku tilmaaman fagradaha xeerkan, gudbintooda iyo dooddoodaba waxa loo mari doonaa habka loo maray marxaladdii miisaaniyadda ee ku tlmaaman faqradaha 2aad iyo 3aad.