Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025In force

Article 13

Qodobka 13aad

Original Somali text, quoted word for word

Habraaca Dejinta Miisaniyadda Golaha Wakiillada Iyada 00 la raacayo halbeegyada iyo tilmaamaha ay wasaaraddu u dejisay diyaarinta odoroska Miisaniyadda Qaranka ee ku xusan xeerkan gaar ahaan qodobbada 10aad iyo llaad, hannaanka loo qaabaynayo musaaniyadda Golaha waxa loo raacaya: 1. Guddoomiyaha Golaha ayaa diyaarin doonaa odoroska miisaniyad sanandeedka Golaha. 2. Marka Guddoomiyuhu ku gudo jiro, waxa hubin doona in misaaniyadda Goluhu tahay mid ka turyumaysa halwaha shaqo ee Guddiyada Golaha ee ay ka mid yihiin xeerdejinta, korjoogtaynta halwaha qaranka iyo fullinta sharciyada. 3. Musaaniyadda Goluhu waxay ka koobnaan doontaa misaaniyadda maamul ee shirguddoonka iyo miisaaniyadda hawlaha shaqo ee guddiyada Golaha. Pe? Nai ee ee 4. Guddoomiyuhu muddada uu ku gudo jiro diyaarinta odoroska miisaniyad sannadeedka waxa uu la tashan doonaa shirguddoonka Golaha. 5. Kaddib marka guddoomiyuhu dhammaystiro diyaarinta odoroska miisaniyad sannadeedka, waxa uu u gudbin doonaa guddida hawlaha Golaha, muddo aan ka dambayn 15 August ee sanad miisaaniyadeed kasta, iyada oo guddidu hubin doonta in miisaniyadda Golaha loo diyaariyey si’waafaqsan habraacyada diyaarinta musaaniyaddaha ce ku xusan xeerkan. 6. Guddida hawlaha Goluhu waxay ka doodaysaa, isla markaana dib u eegis iyo wax kabeddel ku samayn karaan miisaniyadda Golaha, iyagoo la tashanaya xafiiska miisaniyadda iyo dhaqaalaha ee Golaha. 7. Kaddib marka ay guddida hawlaha dhammaystirto, dib u eegista, wax kabeddelka iyo doodda odoroska miuisaniyad sannadeedka waxa ay u gudbin doonaan wasaaradda, muddo aan ka dambayn 31-ka August si loogu daro xeerka miisaniyadda ee loo gudbinaayo Golaha Wasiiradda iyo Golaha Wakiillada. 8. Mhuisaaniyadda Golaha Wakiilada waxa si toos ah looga bixinayaa kaydka dakhliga guud, waxaana waaran (warrant) saddex biloodle ah loogu oggolaanayaa miisaaniyaddooda.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-13

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
12Ask about this article14