Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025In force

Article 12

Qodobka 12aad

Original Somali text, quoted word for word

Soo gudbinta Odoroska Miisaaniyad Sannadeedka Hay’adda Dawladda 1. Hay’ad kasta oo hesha wareegtada wasiirka ee ku xusan qodobka | laad ee sare waa inuu muddo aanka dambayn muddada ku cayiman wareegtada ugu soo gudbiyo wasiirka. b. Odoroska miisaaniyad sannadeedka oo kala qeexaysa dakhliga iyo kharashka isla markaana loo diyaariyay si’waafaqsan tilmaamaha wasiirka ee ku xusan Faqradda 3aad ee qodobka | laad ee xeerkan t. Warbixinaha soo socda. i. Warbixinta wax qabadka hay’adda ee sannad miisaaniyadeedka kal hore. ii. Qorshe sannadeedka iyo qorshe saddex biloodle ah oo ay hay’addu u diyaarisay kuna salaysay odoroska sannad miisaaniyadeedka hawlaha ama mashaaricda u qorshaysan hay’adda_ iyo ujeeddooyinka iyo natiijada waxqabad ee hawlaha iyo mashaariicda u gorshaysan iyo halbeeyada lagu cabbirayo natiijjada waxqabadka iyo gaadhista ujeeddooyinka fulinta hawlaha iyo mashaarticda hay’adda. ii. Qorshaha iibka iyo shaqo gorista shaqaalaha ee sannadka. iv. Warbixinta tallaabooyinka iyo waxay ka fulisay hay’addu talabixinnadii Gollaha Wakillada ee warbixinta hantidhawraha guud ee sannad miisaaniyadeedkui kal hore. y. Xogaha ama waxyaabaha kale ce uu amro wasiirku in lagu soo daro. j- Miisaaniyaddii wasaraadaas/ hay’addaaas oo dhammaan madax xigeennadeedu ay gobolaysanyihiin. 2. Dawladaha hoose waxay si waafaqsan wareegtada wasirka ee ku xusan qodobkan iyo qodobbada 89aad, 90aad,9 laad, 92aad iyo 93aad ee Xeerka Ismaamulka Gobollada Iyo Degmooyinka ce Xeer Lr.23/2019 u soo diyaarsan doonaan ku talagallada sannad misaaniydeedkooda, waxayna u soo gudbin__ doonaan Wasiirka Maaliyadda, si uu u hubiyo qodobbadan soo socda: * : “2) po b. In odoroska miisaniyadda loo soo diyaariyey si’waafaqsan xeerkan, Xeerka Ismaamulka Gobollada iyo Degmooyinka habraacyada diyaarinta miisaniyadda Qaranka iyo xeerarka kale ce dhaqan galka ah. ti In odoroska miisaniyadda lagu ansixiyey cod hal dheeri ah fadhi ka mid ah fadhiyada caadiga ah ama fadhi aan caadi ahayn ee Goluhu qabsado, isla markaasna go’aanka fadhigaa lagu ansixiyey lagu soo lifaaqay. I; In dhammaan warbixinaha iyo xogaha kale ee loo baahdo lagu lifaaqo odoroska la soo gudbiyey. x. Haddii gole deegaan ay u suurto gali waydo inuu dhammaystiro xogaha iyo macluumaadka kor ku xusan wasiirku wuxuu ku celin doonaa odoroska miisaniyadda ce kala dhiman ee uu soo gudbiyey gole deegaankaasi, isaga oo qoraal faahfaahsan ugu caddaynaaya xogaha ka dhiman. kh. Haddu gole deegaan aanu ansixin odoroska miisaniyadda wakhtiga lagu xusay xeerka, isla markaana uu dhammaado sannad maaliyadeedku lana galo sannad maaliyadeedka cusub waxay si ku meelgaadh ah u isticmaalayaan miisaniyaddii sannadkii dhammaaday, iyada oo guddi ka kooban wasaaraddaha Maaliyadda iyo wasaaradda qaabilsan dawladdaha hoose ay darsi doonaan sababta dib u dhaca miusaniyaddaas, kaddibna talabixin khusaysa arrintaa u soo gudbin doonaan guddida dhaqaalaha ee Golaha, iyada oo guddidu kaddib markay deristo talabixintaas u gudbin doonta Golaha, si uu go’aan uga soo saaro arrintaas. D. Xubnaha guddida ka imanaysa hay’adaha ku xusan xarafka “kh” waxay noqonayaan 5 xubnood oo ka kala imanaya, 3 xubnood 00 Wasaaradda Maaliyadda iyo 2 xubnood Wasaaradda Dawladdaha Hoose ka masuulka ah. 3. Markuu helo wasirku odoros miisaaniyadeedyada hay’adaha dawladdu u soo gudbiyaan, wuxuu xaqujin doonaa in odoros miisaaniyadeedyadu waalaqsan yihiin wareegtadii miisaaniyadda, si uu waajibkan u guto, wasiirku wuxuu la kulmi karaa hay’adaha dawladda si uu ugala xaalo odoros miisaaniyadeedyada ay soo gudbiyeen. 4. Wasurku wuxuu isu gayn doonaa odorosyada hay’adaha dawlada dhexe, dawladaha hoose, kuwa madaxa bannaan iyo deeqaha, mashaariicaha ama taageerada dhaqaale ee qaadhaan bixiyayaashu ku taageeraan dalka, wuxuuna diyaarin doonaa: b. Qoraalka odoroska miisaaniyad sannadeedka Qaranka oo ka koobnaan doona miisaaniyadda dawladda dhexe, miisaaniyadda dawladaha hoose iyo miisaaniyadda hay’adaha madaxa bannaan. t. Mashruucsharciga xeerka qoondaynta miisaaniyadda ce miisaaniyad sannadeedka ku suxan xarafka (b) ee faqraddan daad ee qodobkan. 5.Wasurku ka hor muddada ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan wuxuu: b. U gudbin doonaa Golaha Wasiirrada, si ay u ansixiyaan go’aanna uga gaadhaan odoroska muisaaniyadda Qaranka iyo qoraallada lagu saleeyey odoroska miisaaniyadda si’waafaqsan qodobka 8aad faqraddiisa Yaad, qodobka | laad faqraddiisa 3aad iyo qodobka 12aad faqraddiisa laad xarfaheeda B iyo T ee xeerkan. t. Marka uu Golaha Wasiirradu ansaxiyo odoroska miisaaniyadda Qaranka, wuxuu diyaarin doonaa mashruuucsharci miisaaniyadeedka miisaaniyad sannadeedka Qaranka. 6.Haddii ay iska hor yimaaddaan qodob ama qodobbo ka mid ah xeerkan iyo Xeerka Ismaamulka Gobollada & Degmooyinku Xeer Lr 23/2019, waxa la dabbaqayaa qodobka ama qodobbada xeerkan.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-12

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
11Ask about this article13