Qodobka 11aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Diyaarinta Miisaniyadda Sannadlaha ah 1. Wasurka wuxuu masuul ka yahay maaraynta geedisocodka diyaarinta sannad miisaaniyadeedka Dawladda. 2. Kaddib markuu helo tallabixinta iyo soojeedinta guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ce buugga habdhiska si’waafaqsan qodobka 1Qaad, faqraddiisa 5aad iyo qodobka l6aad, faqraddiisa Saad ce xeerkan, wasiirku wuxuu ugu dambayn 15-ka bisha August ce sannad kasta u diri doonaa dhammaan hay’adaha dawladda dhexe, dawladaha hoose iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda wareegtada diyaarinta miisaaniyadda, taas oo tilmaamaysa qaabka ay u raaci doonaan diyaarinta miisaaniyadda hay’adahooda. 3. Wareegtada diyaarinta miisaaniyadda ee wasiirku waxay sheegi doontaa ugu yaraan arrimahan soo ——— z el ~ x (e% & Pe, b. Jadwalka diyaarinta miisaaniyadda 00 muujinaya taariikhaha dhammaystirka hawlaha kala duwan ee diyaarinta milsaaniyadda. t. Habraaca qiimaynta, odoroska dakhliga iyo kharashka. j. Arrimaha iyo mudnaanaha siyaasadeed ce muhiimka (key policy issues) ah ee la tixgelin doono marka la diyaarinayo miisaaniyadda. x. XMad miuisaaniyadeedka ay hay’adaha dawladdu_ ku | salaynayaan diyaarinta odoros musaaniyadeedkooda. kh. Odoroska caddadka lacagta miisaaniyadda dakhli wadaagga (revenue sharing) iyo taageerada (Subsidy) iyo miisaaniyadda hawl daadejinta (decentralization) ee loo qoondeyn doono, kuna soo xisaabtami doonaan dawladaha hoose, markay soo diyaarsanayaan miisaaniyadahooda. d. Qaabka soo gudbinta xogaha iyo qoraallada miisaaniyadda. r. Xog ama arrin kasta oo kale oo uu wasiirku u arko inay waxtar u leedahay geedisocodka diyaarinta miulsaaniyadda. 4. Hay’ad kasta oo dawladeed oo hesha wareegtada diyaarinta miisaaniyadda ee wasiirku waa in ay u hoggaansanto tiimaamaha iyo awaamiirta wareegtadaasi ay xambaarsantahay, uguna soo gudbiso odoros miulsaaniyadeedkeeda si’waafaqsan qodobka | 2aad ee xeerkan. 5. Wasirku wuxuu xeernidaamiye ku soo saari doonaa habraaca qaabka, goorta iyo goobta ay dadweynuhu kaga qayb qaadan karaan diyaarinta misaanityadda Qaranka. 6. Wasirku wuxuu xaqujin doona in geedisocodka diyaarinta miuisaaniyaddu u fulo si’waafaqsan xilliyada loo cayimo iyo in xilliga loo cayimaa yahay xilli ku filan, in hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibaadyadooda, si’waafaqsan Dastuurka iyo xeerkan. 7. Masuul kasta 00 hay’ad dawladeed oo hela wareegtada wasiirka ee diyaarinta tyo soo gudbinta miisaniyad sannadeedka, waxa ku waajib ah in baahiyaha gobollada ay ku saleeyaan odoroska muisaniyaddooda. 8. Xilliga diyaarinta miisaniyadda hay’adda, masuulka hay’adda waxa ku waajib ah inuu ku wargaliyo isuduwaha gobol kasta inuu soo diyaariyo baahida iyo hawlqabadka heer gobol , isaga oo la tashanaayaa guddida horumarinta gobolka.