Xeerka Maamulka Maaliyadda · 2025In force

Article 10

Qodobka 10aad

Original Somali text, quoted word for word

1. Wasurku isagoo ka duulaya kuna salaynaya qorshaha horumarka qaranka isla markaan la kaashanaya wasiirka ka masuulka ka ah qorsheynta Qaranka, wuxuu diyaarinayaa una gudbin doonaa Golaha Wasiirrada ugu dambayn 10-ka bisha July ee sannad kasta buugga habdhiska miisaaniyadda Qaranka, taas oo ay ku jiri doonaan habdhiska siyaasadda dhaqaalaha guud iyo maaliyadeed ce muddada dhexe iyo Jaangoynta mudnaanaha mashaariicda horumarinta iyo ujeeddooyinka siyaasadda maaliyadeed ee dawladda ee ay hay’adaha dawladda dhexe iyo dawladaha hoose ku salayn doonaan diyaarinta musaaniyadahooda. 2. Buugga habdhiska miisaaniyadda ee kor ku xusani waa in, ugu yaraan uu si cad u qeexo arrimahan soo socda: b. Lafagurka xaaladda dhaqaale ee sannad miisaaniyadeedkii la soo dhaafay iyo muuqaalka Guud ee maaliyadeed ee muddada dhexe, isla markaana qeexaya saadaasha dhaqaalaha guud. t. Habdhiska maaliyadeed ee muddada dhexe oo si gaar ah u qeexaya odoroska guud ee dakhliga, kharashaadka iyo amaahda dawladda. j- Odoroska xadaynta kharashka dawladda ee muddada dhexe (Expenditure Limits). x. Mabaa’diida masuuliyadaha maaliyadeed iyo ujeeddooyinka siyaasadda maaliyadeed ee muddada dhexe. 8. Marka uu diyaarinayo habdhiska miisaaniyadda, wasiirku wuxuu kulanno la tashi ah la qaadan karaa wasaaradda ka masuulka ah gorshaha horumarinta Qaranka, dawladda dhexe, gollaha dawladaha hoose, hay’adaha dawladda, guddida dhaqaalaha ee Gollaha Wakiillada, guddida siyaasadda mulsaaniyadda ee Golaha Wasiirrada, ururrada bulshada, jaamacadaha iyo hadba cidda uu u arko muhiim. 4, Kaddib markuu ansixiyo Golaha Wasiirradu, wasiirku wuxuu buugga habdhiska miisaaniyadda u gudbinayaa guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada 20 July ee sannadka lagu jiro. 5. Guddida Dhaqaalaha ee Goluhu wuxuu, muddo laba toddobaad gudahood 00 ka bilaabanta taariikhda uu Wasurku ugu soo gudbtyo, si’waafaqsan faqradda daad, kaga doodi doonaa uguna soo gudbin doonaa Wasirka Maaliyadda warbixinta falangaynta iyo talabixinta uu Goluhu kasoo jeedinaayo buuga habdhiska miisaaniyadda. 6. Xafiiska miisaniyadda iyo dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada ayaa Golaha ka caawin doona fahamka buugga habdhiska miisaaniyadda, maaddaama oo uu xambaarsanyahay xogo iyo daraasado ku saabsan hilaadinta dhaqaale ee saldhigga u noqon doona, hagi doona, laguna salayn doono diyaarinta odorosyadda sannad miisaaniyadeedka diyaarintiisa lagu jiro iyo labada sanno ee kale ee kasii dambeeya, hilaadintaas 00 saldhig u nogon doonta diyaarinta siyaasadda miisaaniyadda iyo odoroska miisaaniyad sannadeedka soo socda ee diyaarintiisa lagu jiro, taas oo ay tahay inay ku sii xisaabtamaan ama ay raacaan xiliga ay ku gudo jiraan doodda iyo dejinta odoroska miisaaniyad sannadeedka soo socda. 7. Wasiirku, markuu diyarinayo miisaniyadda sannad maaliyadeedka, wuxuu tixgalin doonaa talabixinta guddida dhaqaaluhu uu u soo jeediyo si’waafaqsan faqradda Saad ee qodobkan.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-maamulka-maaliyadda/qodobka-10

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
9Ask about this article11