Qodobka 9aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Xilka iyo waajibaadka hay’adda Sanduuqu wuxuu gudanayaa xilkan iyo waajibaadyadan soo socda: - 1. Xisaabinta, xaqiijinta iyo bixinta xuquuqaha halwgabka, xaqsiinta shaqaalaha dawladda iyo gaadhsiinta dadka dhaxalkooda leh, si waafaqsan xeerka. 2. Go’aaminta in qgof kasta oo shaqaale dawladeed ahi helo xaqiisa hawlgab, marka uu xaqaasi sugnaado iyada oo lagu salaynayo xogaha rasmiga ah ee laga hayo qofka shaqaalaha ah. 3. Wuxuu kor u qaadayaa, isla markaana xaqiijinayaa sugidda nidaamka hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dawladda ee gaadhay muddada hawlgabka ama xaqsiinta iyo sidii loo hawlgelin lahaa, isla markaana looga faa’iidaysan lahaa cududda shaqaale cusub 00 si xeerkan waafaqsan oo loo qaadanayo, si loogu beddelo shaqaalaha hawlgabkooda la xaqiijiyay ee helay xaqa hawlgabka.