Qodobka 2aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Erey bixin Xeerkan gudihiisa, haddii aan si kale nuxur ahaan loogu tilmaamin, ereyada iyo weedhaha hoos ku qorani waxay yeelanayaan macnaha halkan lagu siiyay: - Qiimayn hawigab: Waxa loola jeedaa qiimayn uu sameeyo qgof aqoon u leh arrimaha hawlgabka, si loo go’aamiyo xaaladda maaliyadeed iyo hantiyeed ee Hay’adda Hawlgabka, iyada oo laga duulayo mabaadii'da hawlgab ee caalamiga ah iyo qiimaha qaadhaanka ku habboon, si loo xaqiijiyo xasilloonida maaliyadeed ee Hay’adda Hawlgabka, si waafaqsan halbeegyada ururka hawlgabka caalamiga ah. Khabiir hawigab: Waxa loola jeedaa qofka masuulka ka ah qiimaynta lacagaha hawlgabka ee hadda taagan iyo kuwa mustaqbalka, si loo go’aamiyo hantida maaliyadeed ee Hay’adda Hawlgabka, iyada 00 la raacayo nidaamka hawlgabka ee caalamiga ah. Codsade: Waxa loola jeedaa qofka ka dalbanaya lacagta hawlgabka ama faa’tidada dhaxalka Hay’adda Hawlgabka. Caddayn da’eed: Waxa loola jeedaa qoraal ka soo baxay hay’ad caafimaad oo sheegaya da’da qofka, si waafaqan xeerkan. Dheef: Waxa loola jeedaa xaqa hawlgabka iyo gunnooyinka ee la siiyo shaqaalaha dawladda ama dadka leh dhaxalka qofka shaqaalaha ah ee dhinta, si waafaqsan xeerkan. Guddi: Waxa loola jeedaa guddida sare ee maamulka Hay’adda Hawlgabka ee loo dhisay si’waafaqsan xeerkan. Imo: Waxa loola jeedaa ilmo kasta oo uu dhalay shaqaale dawladeed oo hawlgab xaq u yeeshay, da’diisuna tahay 15 jir iyo wixii ka yar, marka waalidkiisu dhintay iyo ilmaha isaga oo uurka ku jira aabbihii geeriyooday. : IS TOS Ee ENON SB PO (iS a==5 Sh \ OR GENER Caddaynta naafannimo: }=Waxa loola jeedaa qoraal ka soo baxay hay’ad caafimaad oo sheegaya ama muujinaya naafannimada qofka shaqaalaha ah, si waafaqsan xeerkan. Qaadhaan: Waxa loola jeedaa xaddiga lacageed ee boqollayda ah ee laga jaro mushaharka aasaasiga ah ee qofka shaqaalaha dawladda ah ee wasaaradda, hay’adda uu ka shaqeeyo ama xisaabaadku ka jaraan, laguna daro Hay’adda Hawlgabka. Naafo: Waxa loola jeedaa qof jidh ahaan ama maskax ahaan naafo ah, naafannimadaas oo sababtay in uu qofku shaqayn kari waayo loona go’aamiyay si waafaqsan habraacyada xeerkan. ka soo hor maray: Waxa loola jeedaa xaqa hawlgabka ee la qaato dhammaadka shaqada ka hor, da’da hawlgabka. Agaasimaha Guud: Waxa loola jeedaa qofka agaasimaha guud ah ee maamulaya Hay’adda Hawlgabka, si waafaqsan xeerkan. Sannad maaliyadeed: Waxa loola jeedaa sannad maaliyadeedka caadiga ah ee ka bilaabma kowda Jeenawari kuna dhammaada 3lka Diisambar sannad kasta. Hay’adda: Waxa loola jeedaa Hay’adda Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda Somaliland ee loo aasaasay, si waafaqsan xeerkan. Adeeg mustaqbal: Waxa loola jeeddaa adeegga uu qof shaqaale dawladeed ahi u qabto hay’ad ama wax ka badan, wixii ka dambeeya dhaqangalka xeerkan. Wasiir: Waxa loola jeedaa wasiirrada ku jira maamulka sare ee Hay’adda Hawlgabka. Adeeg hore: Waxa loola jeedaa adeeg uu shaqaale hawlgab xaq u lihi u qabtay hay’ad dawladeed, wixii ka horreeyay xeerkan. Shaqaale dawladeed: Waxa loola jeedaa qof kasta oo shaqaale dawladeed ah, si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Dawladda; Xisaabta Keydka: Waxa loola jeedaa xisaabta lagu shubo lacagaha loogu talagalay wixil isbeddel ama xaalado degdega ah. Lacagaha dheeraadka ah: Waxa loola jeedaa hadhaaga xisaabta la qoondeeyay sannadka. Dhaxlayaasha:- Waxa loola jeedaa ilmaha ama xaaska (rag iyo dumarba) qofka xaqa hawlgabku u sugnaaday, kaas oo uu dhalay ama qabay gofka geeriyooday, kaas oo helaya xaqii marxuumka, si waafaqsan xeerkan. R¢ ENER