Qodobka 47aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Qiimaynta naafannimada 1) Shahaadada qiimaynta naafannimo ee ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadku ama Guddida caafimaad ee loo igmaday, waxa ay muujinaysaa waxyaabahan soo socda: b. Baadhitaanka caafimaad ee gofka codsaday naafannimada, taariikhdii uu naafoobay, saamaynta naafannimadu ku keenayso shagada iyo meesha dhab ahaan uu wax ka noqday. t. Qumayn ku saabsan in gofku shaqayn karo iyo in aanu shagayn karin. j. Go’aaminta in ay macquul tahay in meel kale laga shaqaalaysiin karo iyo in kale, iyada 00 la eegayo xaaladaha naafannimo. x. Go’aanka naafannimo oo dhammaystiran, kaas 00 ah ka hor muddo hal sanno ama ka badan oo ah muddadii qofku aanu caafimaad ahaan u qaban arrin shaqo oo uu mushahar ku qaato iyo kh. Warbixin caafimaad oo sheegaysa, in naafannimada qofka shaqaalaha ahi tahay mid aan laga soo kabanayn iyo in kale. 2) Shaqaalaha naafada noqday waxa ay xaq u leeyihiin in ay Wasaaradda Caafimaadka ama guddida loo igmaday u soo gudbiyaan caddaymaha caafimaad ee dhakhaatiirta ay la kulmeen, hase yeeshee warbixinahaasi noqon maayaan kuwo ay ku go’aan qaadato wasaaradda ama guddidu. 3) Dadka ku nool, lagu hayo ama dhaqaale ahaan ka hela kaalmo hay’adaha daryeela naafada ee caafimaad ama diimeed ama hay’adaha dhaqaalaha ka hela dawladda, si ay u daryeelaan, naafadu xaq uma laha in la siiyo xaqa hawlgabka ee xeerkan lagu sheegay. 4) Dadka awooda in ay shaqeeyaan ama si uun loo shaqaaleeyay, sida in shaqo iskood ama gaar ah loo abuuray, xaq uma laha xaqa hawlgabka naafada, maaddaama xaqa hawlgabku istaago marka gofku awoodo in uu shaqeeyo. 5) Dadka qaata xaqa hawlgabka ciidanka, xaqa hawlgab ee ilaalinta bulsho ama xaq hawlgab oo kale 00 loo bixiyo si waafaqsan xeerkan, xaq uma laha in ay helaan xaqa hawlgabka naafannimo. 6) Sanduuqu waxa uu xaqiijinayaa in qofka xaqa hawlgabka naafannimo dalbanayaa uu ka mid yahay dadka lagu sheegay faqradda Saad ee qodobkan. a6 ONS “ace +