Qodobka 31aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Sannad miisaaniyadeed 1) Inta aanu bilaabmin sannad maaliyadeedku, guddidu waxa ay diyaarinayaan miisaaniyad sannadeed odorasaya (i) dakhliga iyo kharashaadka barnaamijka Hay’adda Hawlgabka (ii) kharashaadka maamul ee Hay’adda Hawlgabka. 2) Muiisaaniyad sannadeedka waxa la diyaarinayaa ugu yaraan saddex bilood ka hor bilowga sannad maaliyadeedka, waxaana loo gudbinayaa guddida si ay u ansixiyaan. Guddidu marka ay ansixiyaan, ayuu wasiirka maaliyaddu miisaaniyad sannadeedka qaranka ku daraya, sidoo kalena gaynayaa Golaha Wakiillada. 3) Miisaaniyadda sannadlaha ahi waxa ay odorasaysaa dhammaan kharashaadka maamul ee hay’adda ee sannad maaliyadeedka, waxaanay sheegaysaa: - b. Bixinta mushaharaadka, gunnooyinka iyo lacagaha kale ee la’xidhiidha xuquuqda hawlgab ee shaqaalaha Hay’adda Hawlgabka. t. Bixinta xaqa hawlgabka, xaqa shaqo ee ururay iyo lacagaha kale ee la’xidhiidha xuquuqda hawlgab ee shaqaalaha Hay’adda Hawlgabka. J. Kirooyinka dhismayaasha Hay’adda Hawlgabka, haddii aanay dhismayaashaas dawladdu bixin. x. Hagaajinta iyo dayactirka dhismayaasha Hay’adda Hawlgabka, haddii sanduuqu leeyahay. kh. Agabka muhumka ah, tiknoolajiyadda, softiweerrada iyo hantida kale ee muhumka u ah hay’adda iyo R. Kharashaadka kale ee maamul. 4) Miisaaniyad sannadeedka Hay’adda ayaa laga bixinayaa dhammaan kharashaadka iyo xuquuqda hawlgab ee uu bixinayo sanduuqu. 5) Wax kharashaad ah 00 aan waafaqsanayn miisaaniyadda sannadlaha ah ee la’ansixiyay lama geli karo. 6) Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bixinaysa wixii isdhin dhaqaale ah, siinaysana Hay’adda Hawlgabka, haddii lacagta caddaanka ah ee ku jirta xisaabta Hay’adda Hawlgabka uga furan Bangiga Dhexe ay ka yaraato lacagaha miisaaniyadda ku jira ee hawlgabka iyo gunnooyinka. Sanduuqu waa inuu Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ogaysiiyo, haddii uu dareemo in aanay lacagtiisu ku filnayn.