Qodobka 58aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Habka loo xisaabinayo bixinta xaga hawlgabka 1. Xaqsinta hawlgabka ee gofka shaqaalaha ah ee hawlgabka ah waxa loo xisaabin doonaa hab sannadle ah, iyadoo sannadkiiba lagu salayn doono mushaharkiisa u dambeeya ee billaha ah 2. Qofka shaqaalaha ahi waa in uu codsado in la siiyo xaqa hawlgabkiisa muddo 6 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa waqtiga uu gaadho da’da hawlgabka. 3. Qofka Shaqaalaha ah ee iskii uga taga shaqada uu u hayay dawladda isaga oo aan gaadhin da’dii hawlgabka, waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xaqsiin u dhiganta muddada uu shageynayay, iyada oo halki sannaba lagu salayn doono mushahar bileedkisa u dambeeyay. A, Shaqaalaha sida waafaqsan faqradda laad ee qodobkan la sliyo xaqiisu, waxa uu dib ugu shaqayn karaa hay’ad kale oo dawladeed, isaga oo shaqaale dawladeed ah, waxaana dib loo xisaabin doonaa muddadii hore ee uu shaqaalaha ahaa iyo muddada dambe ee uu shaqada ku soo laabtay, waxaana looga bilaabayaa muddadii uu ku soo noqday shaqada. CUTUBKA SIDDEEDAAD CODSIYADA XAQA HAWLGABKA, DHAMMAADKA SHAQADA TYO LACAG BIXINTA: