Qodobka 22aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Shuruudaha gofka nogonaya agaasimaha 1) Qofka noqonaya agaasimaha Hay’adda Hawlgabka, waa inuu buuxiyo shuruudahan soo socda:- b. Inuu yahay muwaaddin Somaliland u dhashay. t. Inuu yahay muslim, asluub, xilkas & akhlaaq wanaagsan bulshada ku dhex leh, isla markaana leeyahay sifo dhexdhexaadnimo, karti iyo daacadnimo. j- In aanay da’adiisu ka yaraan 35 sannadood. x. Inuu maskax ahaan caafimaad qabo. Kh. Inuu haysto shahaado jaamaceed oo la aqoonsan yahay, ugu yaraanna haysto heerka koowaad ee jaamacadda, bartayna siyaasadda, arrimaha bulshada, maamulka iyo maaraynta, maamulka maaliyadda ama culuun kale oo kasta 00 la’xidhiidha shaqada hawlgabka iyo xaqsiinta. d. Inuu leeyahay waayo’aragnimo shaqo oo aan ka yarayn toddoba (7) sanno kana soo shaqeeyay arrimaha hawlgabka ama maamulka hay’ado maaliyadeed. r. In aan lagu helin dembi la’xidhiidha xatooyo iyo khiyaano shantii sanno ee ugu dambeeyay. s. Inuu yahay qof ku sifoobay xilkas, akhlaaq wanaag, toosnaan, isla markaana leeyahay sifo dhexdhexaadnimo, karti iyo daacadnimo.