Qodobka 37aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Bixinta qaadhaanka hawlgabka iyo hannaanka warbixineed 1) Waxa dawladda waajib ku ah, in ay si bille ah u soo gudbiso xogta qaadhaanka dhaqaale ee ay Hay’adda Hawlgabku ugu deeqday. 2) Hay’adda Hawlgabku waxa ay soo saaraysaa xeer-hoosaadyo hawlgab oo qeexaya: - b. Qaabka ay dawladdu, si bille ah ugu soo gudbinayso qaadhaankeeda iyo qaadhaanka shaqaalaha laga jaraba, xisaabaadka bangiyada uga furan Hay’adda Hawlgabka ee la ciyimay muddo toban (10) maalmood ah dhammaadka bil kasta. t. Duwaannada xogta, xogaha iyo macluumaadka kale ee dawladdu u soo gudbinayso Hay’adda Hawlgabka ee ku saabsan qaadhaanka billaha ah. Warbixinahaas waxa lagu soo gudbin karaa qoraal ama hab elektaroonig ah, kolba sida loo arko in ay lagama maarmaan tahay. 20 ARK Gop Silo vs Ble) OR cener™™ 3) Sanduuqu waxa uu si sax ah u diiwaangalinayaa una xisaabinayaa qaadhaanka la bixiyay, isaga oo kala saaraya ta shaqaalaha iyo tan dawladda, waxaanu isticmaalayaa xogta ay dawladdu bixisay. 4) Sanduuqu waxa uu masuul ka nogonayaa xaqna u leeyahay in uu baadho, qiimeeyo, fuliyana bixinta qaadhaanka lagu sheegay xeerkan. 5) Sanduuqu waxa uu ugu yaraan 12kii biloodba mar siin doonaa, qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha dawladda xogta qaadhaanka dhaqaale ee uu helay iyo wadarta guud ee xaqiisa hawlgab. Sanduuqu waxa uu suurtagalin karaa in qgof kastaaba si elektoroonig ah ku heli karo warbixinta, iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyadda casriga ah. 6) Haddii ay dhacdo in dawladdu xaddi ka badan qaadhaankii shaqaalaha laga jarayay ama dawladdu bixinaysay ku shubtay xisaabta Hay’adda, waxa u magdhabaysa hay’adda, si xeerka waafaqsan. 7) Qaadhaanka dheeraadka ah ee shaqaalaha dawladda waa loo celinayaa, isaga 00 aan dulsaar la socon. 8) Wax lacag ah lagama celinayo qaadhaanka xaqii hawlgabka laga bixiyay.