Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 13aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Guddi-hoosaadyada guddida 1. Guddidu waxa ay dhexdooda ka sii samaysan karaan guddi hoosaadyo ka kooban xubno kala duwan oo u xilsaaran shaqo gaar ah oo uu guddidu cayinto. 2. Guddidu waxa ay ku dari karaan xubno aan guddida ka tirsanayn guddi-hoosaadyada lagu sheegay faqradda laad ee qodobkan sababo gaar ah awgeed, muddada uu xubinta ka ahaanayanna guddida ayaa go’aaaminaysa. 3. Iyada oo u hoggaansamaysa tilmaamaha guud ama kuwa gaarka ah ee guddida, guddi- hoosaadka loo dhisay si waafaqsan qodobkani waxa ay dejisan kartaa habraac shaqo fulineed.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-13
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
12Weydii qodobkan14