Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 26aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

: Waajibaadka daryeelka Agaasimaha hay’adda iyo ammaana-hayuhu waxa ay: b. Xaqujinayaan in hantida Hay’adda Hawlgabka loo maamulo ama loo hayo, si waafaqsan qodobbada xeerkan, xeer-nidaamiyayaasha ama hagayaasha ka dheegma. t. Qaadayaan tallaabooyinka muhumka ah ee lagu xaqiijinayo, in maamulka Hay’adda Hawlgabka loo fuliyo keliya sida ay danta shaqaalaha dawladda, hawlgabka iyo dhaxlayaasha hawlgabku ku jirto. j. Sida ugu dhakhsaha badan ugu wargelinayaan guddida wixii ay u arkaan, in ay waxyeelayso xuquuqaha mulkiilaha xisaabta dhitaysan ee hawlgabka. x. Sida ugu dhakhsaha badan ugu wargelinayaan guddida, haddii dawladdu bixin waydo qaybta ay tahay in ay bixiso ee lacagaha hawlgabka, lacag taasina ay habsaanto toban (10) maalin shaqo. >| Ye y)*) = ont

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-26
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
25Weydii qodobkan27