Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 72aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Qodobbada kala guurka ah 1) Inta uu sanduuqu cagihiisa isku taagayo, waxa muddo aan ka badnayn laba sanno gacanta ku haynaysa oo maamulaysa Hay’adda Shaqaalaha Dawladda. 2) Sanduuqu waxa uu ku xisaabinayaa xuquuqda adeegyadii hore ay u qabteen shaqaalaha dawladdu, muddo hal sanno ah gudaheed oo ka bilaabanta maalinta xeerkani dhaqangalo. 3) Qof kasta oo shaqaale ah oo hore loo siiyay xaqa hawlgabka, xaqaasi wuu u sii soconayaa dhaxlayaashisuna waxa ay xaq u leeyihiin in ay xaqa hawlgabkiisa helaan, si waafaqsan xeerkan. 4) Nidaamkan kala guurka ah ee qaaciidada xaga hawlgabka ayaa la dabaqi doonaa: - b. Xaqa hawlgab ee bislaanaya sannadka bilaabmaya, kaddib dhaqangalka xeerkan, waxa loo raacayaa qaaciidada mushaharka aasaasiga ah ee sannadka ugu dambeeyay. 2 a apni Gey t. Xaqa hawlgab ee bislaanaya sannadka bilaabma laba (2) sanno kaddib dhaqangalka xeerkan, waxa loo raacayaa qaaciidada celceliska mushaharka aasaasiga ah ee labadii sanno ee ugu dambeeyay. j. Xaqa hawlgab ee bislaanaya sannadka bilaabmaya saddex (3) sanno kaddib dhaqangalka xeerkan, waxa loo raacayaa qaaciidada celceliska mushaharka aasaasiga ah ee saddexdii sanno ee ugu dambeeyay. x. Xaqa hawlgab ee bislaanaya sannadka bilaabmaya afar (4) sanno kaddib dhaqangalka xeerkan, waxa loo raacayaa qaaciidada celceliska mushaharka aasaasiga ah ee afartii sanno ee ugu dambeeyay. kh. Xaqa hawlgab ee bislaanaya sannadka bilaabmaya shan (5) sanno kaddib dhaqangalka xeerkan, waxa loo raacayaa qaaciidada celceliska mushaharka aasaasiga ah ee shantii sanno ee ugu dambeeyay. 5) Xuquuqda hawlgab ee la siiyo dhaxlayaasha qofka shaqaalaha ah ee geeriyooday waxa ay noqonaysaa mid la siiyo dhaxlayaasha xaqa u leh, haddii marxuumku ugu yaraan lixdan (60) maalmood shaqaynayay kaddib dhaqangalka xeerkan. 6) Xuquuqda hawlgab ee dadka naafada ah loo sityo si xeerkan waafaqsan waxa ay noqonaysaa mid la suyo haddi qofku ugu yaraan lixdan (60) maalmood shaqaynayay, kaddib dhaqangalka xeerkan. 7) Guddida sanduuqu maalgashi ayay ku samaynayaan hantida hawlgabka, si waafaqsan qodobka 19aad ee xeerkan, keliya haddii Bangiga Dhexe ee Somaliland oggolaado. 8) Xaaladaha maalgashi ee kale ee lagu sheegay qodobka 19aad ee la hirgaliyay, ka hor dhaqangalka xeerkan waa waxba kama jiraan. 9) Xaqa hawlgab ee hore loo bixiyay, si waafaqsan faqradda 4aad ee qodobkan waxa dib loogu celinayaa, keliya taariikhda uu xeerkani dhaqangalo.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-72
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
71Weydii qodobkan73