Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 67aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

Dembiyada 1) Qof kasta oo: - B. Si badheedh ah u diida in uu bixiyo qaadhaanka hay’adda. T. Isaga oo og ama xog been ah siiya Hay’adda ama isaga 00 ah xubin guddi ama ka mid ah shaqaalaha hay’adda, si ku talagal ah ugu takrifala hantida hay’adda, waxa uu galay dembi, waxaanu mutaysanayaa ganaax aan ka badnayn shan bogol (500) oo doollar ama xabsi aan ka badnayn laba sanno ama labadaba. 2) Haddii dembiga qgodobkan ku xusan ay hay’adi gasho, qof kasta oo xilligii dembigaasi dhacay ahaa- B. Agaasime Guud ama xil la mid ah ka hayay hay’adda ama T. Kusime ka ahaa xilalka lagu sheegay xarafka (b) ayaa galay dembigaas. 31 Agni Go 3) Iyada 00 aan waxba loo dhimmayn faqradda 2aad ee qodobkan, haddii qofku soo caddeeyo in aanu dembigaasi oggolaanshihiisa ku dhicin, wax kasta oo uu kaga hortagaayana uu sameeyay awooddiisa, dembigaas loo raaci maayo.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-67
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
66Weydii qodobkan68