Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa

Qodobka 59aad

Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey

1) Qofka shaqaale dawladeed ah ee hawlgabayaa waxa uu u soo gudbinayaa hay’adda, codsigiisa dalbashada xaqa hawlgab, isaga oo ugu soo gudbinaya sida iyo habka uu tilmaamo sanduuqu. 2) Qof kasta oo shaqaale dawladeed ahi waxa uu u soo gudbinayaa hay’adda xogta qoyskiisa sida xaaskiisa (ama xaasaskiisa) iyo carruurtiisa isaga Oo raacaya habraacyada hay’adda, si dadkaasi ay u helaan faa’iidada hawlgab, haddiu uu geeriyoodo. 3) Marka uu hawlgabo gofka shaqaalaha ahi, sanduuqu waxa uu dalbanayaa in loo soo gudbiyo xogta cusub ee dhammaan dhaxlayaasha. 4) Qofka shaqaalaha ama hawlgabka ahi wuu cusboonaysiin karaa xogaha qoyskiisa ee lagu sheegay faqradaha qodobkan, mar kasta oo xogtu is beddesho.

Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-59
Weydii qodobkan

Qoraalka waxaa laga soo qaatay sidiisa asalka ah. Macluumaad sharci, ma aha talo sharci.

Sharciyaqaan waxa uu bixiyaa macluumaad sharci oo guud — la-talin sharci ma aha. Kiis gaar ah kala tasho qareen shati haysta.
58Weydii qodobkan60