Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024Wuu shaqeeyaa
Qodobka 8aad
Qoraalka Soomaaliga asalka ah, erey-erey
Ujeeddada hay’adda Ujeeddoonka hay’adda loo aasaasayo waxa ka mid ah: - 1. In la helo sanduug-xisaabeed lagu keydiyo, isla markaana lagu maamulayo xisaabaha qaadhaanka hawlgabka iyo xaqsiinta shaqaalaha dawladda. 2. In uu qabto, isla markaana fuliyo shaqooyinka maamul iyo bixinta lacagaha hawlgabka iyo xaqsiinta. 3. In uu xaqiijiyo maalgashiga iyo ilaalinta hantida hawlgabka, si waafaqsan xeerkan iyo xeerarka kale ee dhaqangalka ah ee qaranka. 4, Nidaamka xisaabeed e sanduuqu wuu ka madaxbannaan yahay nidaamka xisaabeed ee hay’adda lagu aasaasay xeerkan.
Ilaha: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-8