Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024In force

Article 7

Qodobka 7aad

Original Somali text, quoted word for word

Xilka iyo Waajibaadka Hay’adda Hawigabka iyo Xagqsiinta Hay’adda lagu aasaasay qodobka Saad ee xeerku, waxay yeelanaysaa xilka iyo waajibaadka hoos ku faahfaahsan: 1. Curinta xeer-nidaamiyayaal, qorshayaal iyo halbeegyo ay guddidu ku asixin doonto go’aan guddi oo lagu gaadhay si xeerka waafaqsan, si loogu maamulo bixinta hawlgabka, xaqsiinta lyo xuquuqda kale ee la xidhiidha hawlgabka, si waafaqsan xeerkan; 2. Maamulka barnaamijyada hawlgabka shaqaalaha dawladda iyo barnaamijyada kale ee hawlgab ee lagu sheegay xeerarka kale oo dhaqangal ah. 3. Diyaarinta mabaadii’da maalgashi ee Hay’adda oo ay guddidu go’aan guddi ku ansixin doonaan, si xeerka waafaqsan.; 4, Keydinta xogta shaqaalaha, si loo sugo shaqaalaha xaqa u leh hawlgabka, kuwa hawlgabay iyo dhaxlayaasha ee ay ka tageen shaqaalaha hawlgabka xaqa u leh ee geeriyooday, sida: xogta gofka shaqaalaha ah ee hawlgabka ah lagu aqoonsanayo, lambarrada aqoonsiga, meesha uu deggan yahay, adeegga hawlgabka, faahfaahinta lagu aqoonsan karo xubnaha qoyska ee noqonaya dhaxlayaasha, dhaxalka qofka hawlgabka ah leh iyo xogaha kale ee loo baahan yahay, si loo xisaabiyo loona bixiyo xuquuqda hawlgabka, si waafaqsan xeerarka Somaliland ee dhaqangalka ah. 5. Gelidda heshiisyo: iib, kiro iyo ijaaridda hantida muugata ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta hay’adda. 6. Gelidda heshiisyada lala galayo maamulayaasha hantida, ammaano_hayayaasha, xeeldheereyaasha hawlgabka, xisaabiyayaasha, hantidhawrayaasha iyo adeeg-bixiyayaasha kale ee muhiimka ah. 7. Gudbinta wacyigalinta ku saabsan sidii shaqaalaha dawladda xuquuqdooda hawlgab loo ilaalin lahaa; shaqaalaha hawlgabka ku jira, dadka hawlgabka ah iyo dhaxlaha ama dhaxlayaasha hawlgabka ah. 8. Horumarinta, sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada hawlgab. 9. Fulinta awoodaha lagama maarmaanka u ah ujeeddooyinka hay’adda loo aasaasay. 10. Iyo fulinta awoodaha kale ee xeer kale oo dhaqangal ah loogu jideeyo. <RORANKA Ge oy CAL CB o ® cenerh

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-7

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
6Ask about this article8