Xeerka Hay'ada Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda · 2024In force

Article 74

Qodobka 74aad

Original Somali text, quoted word for word

Guddida cabashooyinka iyo ilaalinta bulshada 1) Waxa xeerkan lagu dhisay guddida cabashooyinka iyo ilaalinta bulshada oo dhagaysanaysa, go’aanna ka gaadhaysa cabashooyinka ka yimaadda go’aannada guddida ee lagu sheegay qodobka 67aad ee xeerkan. 2) Guddida lagu dhisay faqradda laad ee qodobkani tiro ahaan waxay ka koobnaanayaan shan (5) xubnood, qaabdhismeedka, nidaamka dhagaysiga cabashooyinka iyo sida ay ku imanayaanba waxa go’aaminaysa dawladda Somaliland. 3) Guddidu waxa ay ku meel marinayaan go’aannadooda aqlabiyad, haddiise la is leekaado guddoomiyaha ayaa yeelanaya cod dheeraad ah. 4) Haddii lagu qanci waayo go’aanka guddida, waxa rafcaan looga qaadanayaa Maxkamadda Sare soddon (30) maalmood gudahood, marka go’aanka guddida la helo. 5) Go’aanka Maxkamadda Sare waa mid kama dambays ah oo ma jirto meel lagaga caban karaa.

Source: garyaqaankaguudjsl.com/xeer/xeerka-hayada-hawlgabka-iyo-xaqsiinta-shaqaalaha-dawladda/qodobka-74

Quoted exactly as published, in the original language. Legal information, not legal advice.

Sharciyaqaan provides general legal information — not legal advice. Consult a licensed lawyer for your specific case.
73Ask about this article75